Doorashada Madaxwaynaha dawlad goboleedka Hirshabeelle ayaa hada ka bilaabatay Hoolka weyn ee Farjano ee magaalada Jowhar, hoolka ayaa waxaa ku sugan Xildhibaaano, Musharaxiinta, Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle, Madaxwayne kuxigeenka, Wasiiro iyo Xildhibaano ka socda Federaalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa ku dhawaaqay in madasha ay furan tahay, isla markaana la diiwaan geliyo tirada Xildhibaanada joogta, si ay u bilaabatay codeynta wareega 1aad ee doorashada.

Illaa 8 Musharax ayaa ku tartamaya doorashada, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay olole aad u xooggan ka waday magaalada Jowhar.

1- Daahir Cabdulle Cawaale, 2- C/raxmaan Xasan Caddow, 3- Yuusuf Axmed Hagar, 4- Maxamed Caruush Diirow, 5- C/naasir Maxamed Shirwac, 6- Cabdi Faarax Laqanyo, 7- Maxamed Cabdi Waare iyo 8- C/kariin Cali Nuur

Halkan Hoose ka daawo Doorashada oo si toos uga socota magaalada Jowhar:

TOOS JOWHARDOORASHADA MADAXWEYNAHA HIRSHANEELLE

Posted by Official Somali Cable on Saturday, September 16, 2017

LEAVE A REPLY