Taliyaha Xoogga dalka Soomaaliya, Jenneraal Maxamed Aadan Axmed ayaa magaalada Muqdisho tababar ugu xiray, cutub ka tirsan ciidanka.

Ciidanka oo muddaba ku taba-baranayay dugsiga tababarka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee Jenneraal Dhagabadan ayaa soo bandhigay dhoollo-tus ku aaddan qaabka loo carbiyay.

Taliyaha Xoogga dalka Soomaaliya, Jenneraal Maxamed Aadan Axmed oo hadal ka jeediyay goobta lagu xiray tababarka ayaa sheegay in ciidanka loo tababaray difaaca dalka iyo dadkooda.

Dhinaca kalana, askarta loo xiray tababarka ayuu kula dardaarmay in laga doonayo dadaal iyo hufnaan ay ku gudanayaan waajibaadka qaran ee loo carbiyay.

Cutubka tababarka loo xiray ayaa qayb ka ah ciidanka Danab oo muddadii uu jiray hawl-gallo difaac ah oo gulaystay ka fuliyay goobo kala duwan oo gudaha dalka ah.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY