Kulamo ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka soo saareen bayaan ku saabsan khilaafka  Dawladda Soomaaliya  iyo Dowlad goboleedyada.

Kulamada Culimada ka dib Bayaan ay ay soo saareen oo ka koobnaa dhowr qodob ayaa waxaa Warbaahinta u Akhriyay Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed.

  1. Dhammaan Mas’uuliyiinta dalka, sida Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxaa waajib ku ah in ay ku dhaqmaan waxa alle uu faray oo ah in ay sameeyaan wadatashi ku saabsan samata bixinta dadka Soomaaliyeed iyo in ay si degan wax isku-dhaafsadaan.

2. Waa inay fuliyaan kana dhabeyaan dhaartii ay ku dhaarteen inay u Shaqeeyaan,Diintooda Dalkooda,dadkooda oo ay dadka hortooda ka balan qaadeen.

3. Waxaa Waajib ku ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo in ay dadaal dheeri ah ku bixiso mideynta dhinacyada Siyaasadeed ee dalka ka jira,sida xukuumadda iyo Dowlad goboleedyada.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY