Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan ay qabsadeen xarunt Baarlamanka puntland ee magaalada caasimadda ah ee Garowe, waxaana halkaasi la sheegay in ay af-duub u haystaan qaar ka mid ah Baarlamanka oo ku sugnaa xarunta.
 
Ciidamadaan ayaa ka gadoodsan mushahar la’aan iyo duruufo adag oo ay ku nool yhiin, waxayna sheegeen in aysan ka baxayn xarunta inta xaqooda la siinayo ,iyagoo tilmaamay in muddo dheer aanay mushahar qaaadan.
 
Dhanka kalena wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegaya sidoo kale in ciidamo gadoodsan qabsadeen xaruntii Baarlamaanka ee magaalada Boosaaso, waxaana muqata in mushahar la’aanta haysata ciidanka Puntland ay gaarsiisan tahay heer aad u sarreeya, iyadoo wasaaradda maaliyadda Puntland ay ku guuldarraysatay in ay wax ka qabato arrintaan,waxaana sidoo kale Barlamanka Puntland ku fashilmeen in ay xukuumadda arrintaan kala xisaabtamaa.
 

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha dowladda iyo saraakiisha ciidanka qabsatay xarunta Barlamanka Puntland.

 
Sannadkii hore ayay ahayd markii ciidamo gadoodsan qabsadeen xarumaha Bangiga iyo wasaaradda Maaliyadda kuwaasoo markii dambe xal laga gaaray kadib markii la siiyay mushaharkii ay lahaayeen qayb kamid ah.
 
Ciidamada Puntland oo ku shaqeeya xaalad adag ayaan helin xuquuqdii ay lahaayeen xilli sare u kacayo musuqa iyo amni xumada ka jirta Puntland.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY