Inta la xaqiijiyay, laba askari ayaa ku dhimatay, laba kalana way ku dhaawacmeen, dagaal u dhexeeya ciidammada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug oo maanta ka billowday magaalada Cadaado ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa billowday markii ciidamada Galmudug ay weerareen saldhig millatariga Soomaaliya uu ku leeyahay magaaladaas oo ay ka socotay mushaar bixinta ciidan ka tirsan qaybta 21-aad oo ku sugan saldhig uu ku leeyahay Cadaado.

Faahfaahin khaasaaraha dagaalka

Wararka ugu dambeeyay ee degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in uu joogsaday dagaal u dhexeeyay ciidammo ka kala tirsan dowladda Soomaaliya iyo Galmudug oo maanta ka billowday halkaas.

Laamaha Caafimaadka  ayaa Sanaag.so u sheegay in  dagaalka ay ku dhinteen saddex qof, ayna ku dhaawacmeen shan kale oo la dhigay Cisbitaalka Magaalada Cadaado.

Warka ayaa intaas ku daraya in ay deggan tahay xaaladda magaalada Cadaado, ayna socdaan dadaallo lagu xallinayo khaladaadka dhacay oo ay hoggaaminayaan mas’uuliyiin ka kala tirsan maamulka Galmudug iyo odayaasha dhaqanka.

Mas’uuliyiinta iyo wax-garadka Cadaado ayaa sheegay in lala xisaabtami doono cidda yeelata is-ku dhaca geystay khasaaraha ee ka dhacay Cadaado.

Ugudanbayn, dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhaca Magaalada caddaado  ayaa  dagaalkan Maanta dhacay mid la mid ah ku dhex maray isku dhac uu ku dhintay  hal Askari mid kalena uu ku dhaawacmay ka dib markii Ciidamada Maamulka Galmudug oo gadoodsan ay soo  weerareen Saldhiga Kafaalo ee  laga bixinaayey Mushaharaadka Ciidamada labada dhinac ee dagaalku ku dhexmaray Degmadaasi caddaado.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY