Guuto dagaal oo ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Burundi ayaa maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Guutadan ayaa qeyb ka ah howl galka nabad ilaalinta ee AMISOM, iyagoo ku biiraya ciidamada horay u joogay ee ka socday Burundi.

Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa sheegay in ciidamadan ay bedel u yihiin Ciidamo ka tirsanaa Burundi oo waajibaadooda u dhamaaday.

Guutada 45aad ee Ciidamada difaaca Burundi ayaa waxaa hoggaaminayay G/Sare Philbert Hatungimana, waxaana horu dhacooda oo gaarayay 39 askari.

Ciidamadan ayaa la geyn doonaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, halkaasoo ay ka xarun ku leeyihiin Ciidamada ka socda dalka Burundi.

LEAVE A REPLY