Ciidamo Gadoodsan oo ka Tirsan kuwa PIA da ee la dagaalanka argagaxisada ee Puntland, ayaa wax yar ka hor Salaadii Maqrib la wareegay Bangiga dhexe ee Puntland oo ku yaalla magaalada Garoowe.
 
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan Gadoodsan ee la wareegay bangiga ay ka cabanayaan mushaar la’aan, iyadoo la tilmaamay inaysan wax mushaar ah qaadan muddo dhowr bilood.
 
Taliyaha Booliiska Puntland iyo Saraakiil kale oo ka tirsan maamulka, ayaa ku hawlan sidii ciidamadan loo qancin lahaa si ay u banneeyaan Bangiga Maamulka Puntland ee Garoowe.
 
Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin falkan ay ciidanku kula wareegeen bangiga dhexe, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo ciidammo gadoodsan ay la wareegaan Xarumo uu maamulka Puntland leeyahay oo ku yaalla Garoowe, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY