Wararka ka imaanaya Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in saakay gudaha Degmadaas laga helay meydadka Labo Odey Dhaqameed oo xalay la afduubtay.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in odoyaasha habeenkii xalay ahaa  hoygooda lagala baxay islamarkaana saakay iyagoo meyd ah laga helay  bartamaha Degmada.

Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Degmada Ceel-waaq oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in odayaasha iyagoo meyd ah saakay la helay islamarkaana ay haatan wadaan baaritaanka la xiriira cida falkaas ka dambeysay.

Dhanka kale ma jirto cida ila haatan sheegatay Mas’uuliyada afduubka iyo dilka loo geystay odoyaasha.

LEAVE A REPLY