Maktabada IFIYE ee Muqdisho

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka furmay Carwada Bandhigga Buugaagta oo ay soo qaban qabisay Maktabada Ifiye oo ay asaaseen dhalinyaro isku tagtay oo ay tahay ujeedadoodu in la abuuro dhaqan akhris, is-dhegaysi iyo dood caafimaad qabta, iyadoo la istixgelinaayo, qof walbana lagu qiimeynaayo aragtidiisa aqooneed oo Bulshadiisa la wadaagayo.

Carwada Buugaagta waxaana ka qayb-qaadanaya qorayaal kor u dhaafeysa sodon qof. Waxaa kamid ah qorayaasha lagu casumey weriyihi hore ee BBC Andrew Harding, iyo taliyihii hore ee ciidanka Badda Admiral Faarax Qare oo dhawr buug ka qorey Soomaaliya.

Maxamed Diini oo ah Madaxa Carwada Buugaagta Muqdisho,ayaa xusay ujeedada bandhiggan iyo waxyaabaha uu xambaarsan yahay, wuxuuna tilmaamay in Bandhigan uu yahay mid aqoon iyo cilmi laga kororsan doono, si Soomaalida oo dhan ay isku dhaafsato aqoon iyo khibrad.

“Waxaa la qaaday Tallaabo Horumarineed”

”Waxaa la qaaday tallaabo horumarineed” sidaas waxaa isla maanta ciwaan looga dhigay maqaal uu qoray mid ka mid ah Wargeysyada waaweyn ee ka soo baxa dalka Sweden oo magacisa la dhaho sydsvenskan.se

Wargayska ayaa xusay in Af-Soomaaliga la qoray Afartan Sanno ka hor, Soomaaliduna ay dhaqan u lehdahay Suugaanta kala duwan, muhiim ayay u tahay bandhigyada noocaan oo kale. Wargayska qoraalkiisa ayaa u dhigan sidan:
 
Bandhigii Buugaagta ee sagaalaad ayaa horay loogu qabtay magaalada Hargeysa. Muddo 8 sano ah waxaa bandhiga buugta ee Soomaaliya ka dhaca uu noqday mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan wadamada geeska Afrika.
 
Cilmi- baarayaal Soomaali ah iyo qorayaal fara badan ayaa dib ugu soo laabtay dalka si ay uga qaybgalaan casharona uga jeediyaan Bandhiga buugaagta.
 
Waxaa kale oo yimaada qalinley kale oo ka soo jeeda wadamada Bariga Afrika. Waxaa kale oo goobta Bandhiga yimaada dadwayne badan oo doonaaya in ay dhageystaan casharada kala duwan ee lasoo jeediyo. Wadan Soomaaliya oo kale ah kaas oo muddo dagaal ku soo jirey, luuqadiisna la qoray ka hor Afartan Sano, dhaqana u leh Suugaanta kala duwan, muhiim ayay u tahay bandhigyada noocaan oo kale. Markii labaad ayaa bandhigan buugaagta lagu qabtay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo lagu tilmaami jiray in ay ka mid tahay caasimadaha ugu khatarsan aduunka. Balse waxaa maanta muuqda isbedel wayn oo waxaa si wanaagsan u socda bandhigan aadka loo soo camiray.
 
Saddex beri ayaa waxaa socon doona casharo is-dabajoog ah, buugaag la saxiixaayo iyo Waxyaalo kale oo badan.
 
Qorayaasha ayaa waxaa ay ku rajo wayn yihiin in ay abuuraan jawi ay ku dheehan tahay kala faa’iidaysi, wadahadal, akhris iyo abuuritaan rajo wanaagsan.
 
Guud ahaan akhriska soomaaliya oo kor loo qaado iyo in buugaag badan la soo daabaco ayaa ka mid ah u jeedooyinka bandhiga.
 

Soomaaliya waa mid ka soo kabsanaysa dhibtii walow ay waddadu dheer tahay, waana tallaabo aad u wayn in Bandhig Buugaag la hirgeliyo, taasi waxaa ay fududaynaysaa in jidkii wanaaga ay Soomaaliya cagta saarto

Ugu danbayn, Maktabada Ifiye waa xarun weyn oo ka kooban maktabad buugaagta lagu ururiyo, laguna akhristo iyo qaybo kale oo lagu kobciyo dhaqanka iyo suugaanta. Xaruntan Ifiye waxaa yagleelay dhalinyaro wax ku bartay dalka gudihiisa, kuwaas oo u heelan isuna xilsaaray in ay kobciyaan akhriska, dhaqanka iyo suugaanta.

Halkan ka  sii Akhri:  
Sanaag.so

LEAVE A REPLY