Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Khilaaf soo kala dhex galay Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Iyo kuxigeenkiisa Cabdixakiim Cameey.
 
Khilaafkan ayaa soo jiidtamaayey tan iyo intii Madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas uu ka soo laabtay Shirkii Madasha Watashiga Qaran  ee qabsoomay 04 june 2016 kaas oo Warmurtiyeed dhowr qodob ah laga soo saaray.
 
Wararka ugu badan ee Caawa meelkasta lagu hadal hayo Magaalada garoowe ayaa ah Mooshinka ka dhan ah Madaxwayne kuxigeenka Puntland in ay wadaan Xildhibaanno ka soo jeeda Gobolka Sool iyo Xildhibaanno la fikir ah kuwaas oo tiradooda lagu sheegay in ay gaarayaan 50 xildhibaan.
 
Warbaahinta Sanaag.so oo soo xiganayso ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xildhibaanno gaaraya 15 ay caawa kula kulmeen Aqalka Madaxtooyada Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, kuwaas oo Madaxwaynaha uga warbixiyey in ay wadaan Mooshin isla markaana ay Madaxwaynaha ka codsadeen in aanu arrintan soo fara gelin.
 
Xildhibaanadan ayaa Madaxwayne kuxigeenka Puntland Cabdixakiim Cammeey ku eedeeyey in uu iska horkeenay Beelaha Gobolka Sool oo khilaaf ka dhex abuuray ka dib markii laga war helay in uu miiska soo saaray Xildhibaanadii ugu mid noqon lahaa Aqal sare iyo Aqalka hoose ee Dawlada Soomaaliya.
 
Khilaafkan Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwayne kuxigeenka Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa ku soo beegmay xilli uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi uu dalka Hindiya safar shaqo ugu maqan yahay.
 
Xildhibaanadan tiradoodu gaarayso 50 ee Mooshinka ka dhanka ah wada Madaxwayne kuxigeenka Puntland Cabdixakiim Cameey ayaa lagu wada in ay u gudbiyaan Guddoomiyaha Baarlmaanka Puntland Axmed Cali Xaashi marka uu dalka ku soo laabto ayaamaha fooda nagu soo haya.
 
Wixii war ah ee ku saabsan moshinka kala soco Sanaag.so
Sanaag.so

LEAVE A REPLY