Waxaa shalay Salaadii Maqrib ka dib oo ku beegnayd Afurka ay rasaasi  ka bilaabadtay Guriga Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde, Rasaas taas oo  socotay ilaa Salaadii Cishe.

Waxaa rasaastan  ku weeraray Guriga Wasiirka Nin ay Qaraabe yihiin Wasiirka oo la sheegay in uu  ahaa Ilaaliye ama Waardiye Beer ay ku nool yihiin Libaaxyo uu rabbaystay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde.

Hasayeeshee,  Ciidamada Booliska  Maamalkaasi lamagac baxay Somaliland  waxa ay sheegeen in  anay rasaastaasi wax khasaare ah geysan isla marakaana  Ninkii falkaasi gaystay uu meesha isaga baxsaday.

Laamaha ammaanka ayaa la wareegay ilaalada Guriga Wasiirka, waxayna Warbaahinta u xaqiijiyeen in ninkan weerarka gaystay uu qaraabe dhow la ahaa Wasiirka.

Ugu danbayn, Warar madaxbannaan ayaa sheegaya in Ninkan  Waardiyaha ka ahaa Beerta Libaaxyda ee raasaasta ku weeraray Guriga Wasiirka uu lacago badan kulahaa, isla markaana Wasiirka ay isku maandheefeen taas oo dhalisay in ninka Qaraabada dhow la ah Wasiirka uu weeraro Guriga Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY