D

halinyarada Soomaliyeed ee isticmaala Baraha Bulshada Facebook, & Twitter-ka markaad xaaladdooda u kuur-gesho, waxaad arkaysaa, dhalin-yaro Hal-abuur leh, Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhab ah, oo markasta baraarujiya dhalinyarada kale, waxaa ka mid ah Cali Ducaale waa Saxafi, Sawir-qaade ah, waxaa uu soo bandhigaa bilicda iyo quruxda Dalkeenna Hooyo ee Soomaaliya.
 
Waxaa uu booqasho ku kala bixiyey dhowaan, dhammaan inta badan Gobolada Soomaaliya, sida Magalooyinka waawayn ee Muqdisho, Kismaayo, Hargaysa, Baydhabo, Boosaaso, Borama, Galkacayo, Garoowe iyo Burco.
 
Waxaa uu booqday Degmooyinka hoos taga Magaalooyinkan, sidoo kale waxaa uu booqday oo uu soo gudbiyey Bilicda Gobolka Sanaag isaga oo dhowr habeen u dhaxay Buuraha bilicda leh ee Calmadow.
 
Waxaa uu sawir ku soo gudbiyaa bilicda iyo quruxda dalka intaas keliya kuma eka’e waxaa uu sidoo kale soo dhigaa bartiisa facebook, baraarujinta dhalinta kale.
 
Cali Ducaale, caawa waxa uu u soo gudbiyey Madaxda Soomaaliyeed qoraal uu bartiisa Facebook uga hadlayo isbeddel guud ee looga baahan yahay hoggaamiyaha ku guulaysta xilka Madaxwaynaha Soomaaliya.

Cali Ducaale caawa waxa uu soo gudbiyey  qoraalkan:

– Waxaanu u baahan nahay isbeddel, waa waddo wanaagsan balse aanu is weydiino isbeddelka aanu u baahan nahay waa mid noocee ah. Ma mid wixii nagu soo dhacay wax kale noogu sii daraa? mise mid nidaam iyo mamul dowladnimo oo saxan la yimaadaa ?
 
– Waxaanu baahan nahay isbeddel guud ee uma baahnin mid shaqsi shaqsi kale lagu beddelo, waxaan u baahan nahay hoggaamiye dadkiisa u naxa oo markey dhibaato ku dhacdo la qayb sada oo aan dantiisa kaliya eegan, waxaan u baahan nahay hoggaamiye wax ka qabta xaaladda ammaan, waxbarasho, caafimaad, biyo iyo dhaqaale’ba, waxaan doonaynaa hoggaamiye isku xiri kara dalka iyo dibadda,isku soo dhaweyn kara shicibka kala didsan 26-sanno kana shaqayn kara midnimada ummadda Soomaaliyeed.
 
– 2017 kuma sii jiri karno qaraxyo lagu laynayo maato aan waxba galabsan, uma adkeyn san karno in indhaar garad maalin walba la dilayo bilaa sabab, kasoo qaadka alle ka sakow haddii aan weyno hoggaamiye noocaas ah sidooda oo kale waddanka waan isaga tagaynaa.
 
Warbaahinta Sanaag.so,  waxay daba-gal ku samaynaysaa dhalinyarada noocan oo kale ah ee saamaynta ku leh Bulshada dal iyo dibadba, kuma ekin Cali Du’alle oo keliya waxaan soo bandhigaynaa shakhsiyaadka aanu ka baaran degno, isla markaana hubinno.
Sanaag.so, News Desk

LEAVE A REPLY