Soomaali tiradoodu tahay 350 qof ayaa Dacwad ka gudbiyey Amina Kakabaveh oo ah Xildhibaan Xisbiga Vänsterpartietka u fadhida Baarlamaanka Sweden.

 Booliska ayaa Dacwada loo gudbiyey, kadib  markii Amineh kakabeveh ay boggeeda Facebook ku faafisay Film Dacaayad iyo nacayb ku salaysan, kaas oo ay hore uga faafiyeen Soomaalida kooxda cunsuriyiinta ah ee Nordisk Ungdom.

Filmkan dacaayadda ah ayaa laga dhigay sida mid uu sameeyey telefishinka SVT, iyadoo la saaray qoraal turjumaad af iswiidhish beenabuur ah. Halka filmkan yahay mid laga soo qaatay telefishinka soomaalida ee Somali Chanel, kaas oo ku sabsanaa shirkad shaqaalaheeda xaflad abaalmarin ah u qabatay. Laakiin qoraalka af iswiidhishka  ahi gebi ahaanba ahaa mid been abuur ah ee la dulsaaray, uu ahaa mid laga dhigay sida in dadka meesha ku kulansan leeyahiin ”qabiilkeena waxuu u guurayaa Sweden, waddankasna ma ahan waddan islam, sharciga gacantaada ayaad ku qaadeneysaa, dukaankii aad rabtid ayaa galeysaa oo waxaad rabtid baad ka soo qaadeneysaa”.

Cajaladii oo laga saaray barta (Youtube)

Booliska Sweden ayaa dacawadii Amineh laga gudbiyey hoos u dhigay, waxayna sheegeen in  filmkii Ameneh lagu soo eedeeyey aysan hayn.

Wargayska Expo ayaa arrintan fashiliyey dabayaaqadii Bishii Afraad, taas oo cirka isku sii shareertay, Saxaafadda, Wargaysyada, Tv yada ugu caansan ayaa maalin welba wax ka qora, Soomaalida laga faafiyey dacaayadda ayaa ka gilgishay arrintan, waxa ayna dalbadeen  oo ku adkaysanayaan in Xildhibaanad Amineh Kakabaveh ay xilka iska casisho,waxay Bannaanbax ka hor dhigeen suuqa Olof Palme ee magaalada Örebro.
banaanbax-orebro-5-940x534
Somaliska röster oo soo qabaanqaabiyay banaanbaxa suuqa Olof Palme ee magaalada Örebro

Somaliska röster ayaa soo qabaanqaabiyay banaanbax ka dhacay suuqa Olof Palme ee magaalada Örebro oo Xisbiga Vänsterpartietku kongresskooda ku qabtay 7 May 2016, taas oo xisbigu go’aamiyey in Kakabaveh muddo  bil ah siyaasadda laga saaro.

 Xildhibaanad ka tirsan xisbiga Bidixda iyo xubnaheeda baarlamanka u fadhiya ayaa la sheegay inay siyaasada ka fariisatay in muddo ah “Time out”, sida uu qoray Wargayska maalinlaha ah ee lagu magacaabo Dagens Nyheter.

Xisbiga Bidixda (V) oo iska fogeeyey Xagjirnimo

– waxaannu u aragnaa mid aan wanaagsanayn, mana ahan mid loo dul-qaadan karo in shakhsi matalaya xisbiga Bidixda uu baahiyo farriimmo salka ku haya xag-jir-nimo, sida uu sheegay Xooghayaha Xisbiga Bidixda (Vänster Partiet) Aron Etzler.

Sidoo kale Xoghaya Xisbiga Vänsterpartiet Aron Etzler oo laanta af-soomaaliga maanta waraysatay ayaa sheegay in Amineh Kakabaveh ay barteeda Facebook ku baahisay film dacaayad ah oo kooxo cunsuriyiin ah ka sameeyeen soomaalida, ka dibna inta filmka ka saartay barteeda, haddana qoraal ay ku difaacday.
 
-Haa, waa aragnay in ay film noocaan ah baahisay, filmkan oo weliba ah, mid ay cunsuriyad badan ka buuxdo, ka dibna waxay barteeda ku qortay qoraal ay ku sheegtay in video-ga meesha ka saartay balse ay difaacday waxa ku jiray video-ga. Waxaan u aragnaa arrintaas mid aan la dhayalsan karin, waa wax aan la aqbali karin, in qof xisbiga Vänsterpartiet ka tirsan uu sidaas u dhaqmo, ayuu yidhi Aron Etzler.
 350 qof oo Soomaaliyeed oo dacwad gudbiyey.
Wargeyska Mitt i sida uu qoray gebi ahaanba Booliska ayaa xiray dacwad ka dhan ahayd Xildhibaanad Amineh Kakabaveh oo xisbiga Vänsterpartiet u fadhida baarlamaanka.
 
Ka dib dacawadda ayaa filmkii laga saaray barta Youtube, sidaa darteed ayaa dacwadii hoos loo dhigay.
 Wararka ka soo baxaya Saxaafadda Stockholm ayaa sheegaaya in Wariyaha lagu magacaabo Johanna Edström ay soo qortay kiiskii lagu soo dacweeyey Amineh, sababta hoos loogu dhigay in ay tahay Booliska oo yidhi waxan u dirnay in uu Cajalka Cunsuriyada oo lagu dacwaynaayo Amineh ay soo helaan Booliska khabiirada ku ah Kombuterka (IT) laakiin Boolisku waa uu soo heli waayey waxaana soo helay Shaqsi ka mid ah 350 Qofood ee Soomaaliyeed oo dacwada gudbiyey.’
 Kaahin Enow oo ka mid ah Aqoonyahanka Soomaliyeed  oo Sanaag .so  wax ka waydiisay tallaabada xigta mar haddii la soo helay Cajaladii (Youtube) ayaa  sheegay in Wariye Johanna ay la soo xiriirtay Kahin oo waydiisay
 -Sidee ku soo hesheen filimkii?
Kaahin oo u jawaabaya ayaa yidhi 
 -Waxaa igu filanaaday in aan waco hal qof oo Weriye ah oo kaliya, qofkaas ayaa ii soo diray.
 Johanna: Waxaa la yaab leh Cajalada ay waayeen Khubarada Booliska u qaabilsan (IT), sida fudud uu soo helay qof shaqsi ah.
 Ugu danbayn, Hadda ayaa Dacwadii dib baa loo furay waxaana Waxaana loo gudbiyey Xeer ilaalinta ugu saraysa ee dalka Sweden. Haddii ay xeer ilaalinta Dalkan Sweden ay wax ka qaban waayaan waxaan dawcada loo gudbineynaa Maxkamadda Europe ayuu yidhi  Kahin Enow.

Ahmed M Shire, Sanaag.so

LEAVE A REPLY