Cabdullaahi Cusmaan ”Aar Farmaajo ii geeya”

0
1167

Madaxwaynaha dooran ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uu la kowsaday  isu soo bax taageero ka dib doorashadii Maalintii Arbacda dhacday 08-02-2017.

Shacabka Soomaaliyeed ee dibadda jooga, kuwa gudaha dalka ku sugan gaar ahaan Gobolada iyo magaalooyinka oo dhan waxay u muujiyeen kalsoonida ay ku qabaan natiijadii doorashada ee uu ku guulaystay Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed  Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdullahi Cismaan Danyeerow waa Wiil dhalin yaro ah, derbi jiif ah, oo ka mid ahaa tageerayaasha  Madaxwaynaha Soomalaiya waxaa la arkaayey Video laga soo duubay isagoo ku hadaaqaaya farxad darteed ”
 
– Aar Farmaajo ii geeya” Ar Farmaajo ii geeya! oo aan kala go’ lahayn. Dhalinyaro Mudaaharaadkaasi ka qayb qaadanaayey oo daba socday ay leeyihiin oo ay ugu jawabaayeen.

”Aar Farmaajo ii geeya! Aar Farmaajo ii geeya”!

Cabullaahi Cismaan

– Waa la guu geeynayaa, Waa laguu geeynaa!

Muuqaalkan Wiilka dhalinyarada ah ayaa laga daawanaayey baraha Bulshada Facebook, Twitter waxaana waxaana daawaday Boqolaal kun oo Soomaali ah.

Hadda wararka Sanaag.so ka soo gaaraya Magaalada Jawhar ayaa sheegaya In Madaxwayne Maxamed Cabdullahai Farmaajo uu amar ku bixiyey in loo keeno wiilkaasi isla markaana uu gaaray Magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Ibraahim Xassan oo ku sugan Magaalada Jawhar ay bartiisa Facebook ku soo qoray Madaxwayne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa deg deg ku amray in Wiilkan, caawana Xamar ayaa la keenay, berina ayaa loo geeyn doonaa, Nasiib wacan!

Sanaag.so

LEAVE A REPLY