Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta loo doortay Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudeey, kadib doorasho ka dhacday Xarunta Baarlamanka Soomaaliya.

Muudeey ayaa wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ay tartameen, isaga oo helay 164 cod, halka Faaraax uu ka helay 93 cod, sida uu sheegay Guddoonka KMG ah ee baarlamanka Soomaaliya.

Musharaxa guuleysanaya ayaa waxaa looga baahnaa inuu helo codadka 139 ka mid ah xildhibaanada baarlamanka oo ah 50% oo lagu daray hal.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka ayaa waxaa isna loo doortay xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo sidoo kale xilka ka hayey baarlamaankii hore.

Mahad ayaa helay 171 cod, halka Cabdulqaadir Sheekh Cali Bagdaadi oo la tartamay uu helay 88 cod.

Guud ahaan 259 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa codeeyey doorashadii maanta, sida uu sheegay guddoonka KMG ah ee baarlamanka Soomaaliya.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY