Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo waraysi dheer siiyey Idaacadda Radio Daljir ayaa ka hadlay eedaymo, dhaleecayn, wax qabad la’aan uu kala kulmaayey siyaasiyiin uu carabaabay oo uu ka mid yahay Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo isaga Xilka si nabad ah ugu wareejiyey, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dawladda Puntland Cali Xaaji Warsame,iyo Wasiirkii hore ee Maaliyada Faarax Cali Shire & Siyaasiyiin kale oo badan.
 
Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka aloosan maamulkiisa ayaa sheegay in xiliga Puntland aanay u baahnayn khilaaf siyaasadeed, isaga oo sheegay in muddadii uu maamulkiisu jiray (Kaabayaasha dhaqalaha) wax badan kaqabtay.
 

Waraysigan oo dheer HALKAN HOOSE DHAGAYSO uu madaxwaynihu kaga hadlay Abaaraha, Dhanka Amniga, Siyaasiyiinta Puntland, Dhaqaalaha iyo Isbeddelka Soomaaliya.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY