Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaardaha magaalada Bossaso isagoo ku sii jeeda dalka Ethiopia.

Safar kan ayaa Madaxwaynaha Puntland ayaa wararku sheegayaan in uu ku tagayo wadanka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.

Safarka Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ku soo beegmaya xilli Puntland ka jirto gadood ciidamada daraawiishta ah kuwaas oo ka cabanaya mushahar la’aan soo jiitamaysay muddo.

Lama oga safarka Madaxwaynaha Puntland iyo waxaa uu ka badalayo xalaada amni darada iyo abaaraha haysta shacabka Puntland.

Wararka  Sanaag.so ka helayso ilo madaxbanaan oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas culays wayn oo siyaasadeed  uu kala kulmaayo siyaasiyiin ku sugan Magaalada Garoowe,  taas oo khalkhal wayn gelisay Amniga Puntland, sidoo kale ay jiraan ciidamo gadoodsan oo aan in muddo ah wax mushar ah qaadan, waxaa intaas sii raaca fawdo baro kaantarool oo ciidamo qabsadaan ama ay la wareegaan Xarunta Golaha  Wakiilada ee Baarlamaanka Puntland ku shaqeeyo ee Magaalada Garoowe.

Safarka Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka duwan Safaradii uu dibadda ugu bixi jiray, waxaana weftiga ku weheliya Goddoomiyaha Baarlamaanka Puntland  Axmed Cali Xaashi si aanay u shirin Xildhibanada Baarlamaanka Puntland oo wada mooshin ka dhan ah Madaxwane Cabdiwali M Cali Gaas,  waana safarkii ugu horreeyey oo madaxwaynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Baarlamaanku diyaarad wada raacaan.

Madaxwayne Cabdiwali Cali gaas ayaan la ogayn inta uu  Boosaaso ku sii shaqayn karo maadaama uu culays badan kala kulmaayo Magaalada Garoowe, safarkan uu ugu baxay Itoobiya iyo Imaaraatka ayaa loo badinaya in uu noqdo Safarkii  ugu danbeeyey uu Madaxwayne Gaas dibadda ugu dhoofo.

Waxaa diyaarsan Mooshin ay dabada ka riixayaan  siyaasiyiin ruug caddaa ah, ayna taageersan yihiin inta badan xildhibaanada Baarlamaanku kaas oo xilka looga xayuuubinayo Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY