Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa ka hadlay markii ugu horreysay dhaqdhaqaaqa uu waddo Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo 21dii June 2016 ciidamo la soo galay Tuulada Kalabayr iyo Carmo.

Cabdi xakiim cameey ayaa sheegay  in  Gallan  yahay Shakhsi reer Puntland hadduu tabanayo ay dawladu la hadlayso.

-Maxay u la hadli wayday, Ninkasta oo wax tabanaya waanu qancinaynaa waanuna la hadlaynaa, iyaguna ha u noqdeen wada hadalka, ha u diyaar garoobaan, oo aanu ka wada hadalno  wixii jira- ayuu yidhi  Cabdi Xakiim Cameey.

Madaxwaynaha Puntland  Cabdi xakiim Cameey ayaa ka dhawaajiyey in xidhiidhka xaaladiisa waa (Gallan)e uu la hadlo, Telefoonkiisana hayo isla markaana ay is wacaan oo wada xidhiidhaan.

– Xidhiidhka Aniga shakhsiyan markaan RUNTA idiin sheego Gallan waanu is wacnaa, waan la hadlaa, Telefoonkiisa baan hayaa, kayga buu hayaa, madaxwayne kuxigeen baan ahay, isna waxa uu ahaa guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari; Haddana in wax uun tabasho jirto waan la socdaa- ayuu yidhi  Cabdixakiin Cameey.

Sidoo kale  Cabdixakiim Cammeey ayaa meesha ka saaray  in haba yaraatee Gallan aanu Dawlda ku kacsanayn isla markaana ahayn  nin qas wada, Arrintiisuna ma gaarsiisna heer  Madaxwayne kuxigeen uga yimaado Garoowe Gallan Xaaladiisa, oo intaasi sii raaciyey

Waxaan ku dhammaysan karnaa haddii ay suurto gesho Aniga oo jooga Garoowe Telefoon baan ku dhamaysanaynaa!!  hadalka  cammeey ayaa u muuqda Inqilaab  lagu wado Madawaxwayne Gaas, iyadoo tuhunno  badan ka jiraan Aqalka Madaxtooyada Puntland in Saraakiil Madaxtooyada ka tirsani ay taageersan yihiin  Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan.

Gallan oo Waraysi siiyay Kalsan TV Bosaso, ayaa sheegay inay xukuumadda Puntland ku fashilantay amniga iyo la dagaallanka argagixisada, sidaasi darteed uu isagu isu xilqaamay sidii booskaasi u buuxin lahaa islamarkaana uu dagaal ula gali lahaa argagixisada isku fidinaysay qaybo kamid ah gobolka, wuxuuna sheegay in tallaabadaasi ka dhaxlay faa’iido weyn oo ah in shacabku aaminaan oo ay taageeraan.

Wuxuu tilmaamay in hubka iyo agabka kale ee uu haysto ka helay xukuumadda Puntland, isagoo carrabka ku dhuftay wasiirro iyo saraakiil ciidan, halka qaybta kale uu sheegay inuu kasoo iibsaday magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Xaalada Galan ayaa abuurtay xasarad xooggan oo Puntland Dhexdeeda Taasi oo la Xiriirta in aan la waraysan karin Cabdi Samad Galan, waxana uu Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamed Xassan Soocade hawada ka saaray  Xarumihii Idaacada Radio daljir ee Boosaaso iyo Garoowe.

Sanaag.so

 

 

LEAVE A REPLY