Warbaahinta Sanaag.so oo soo xiganaysa illo lagu kalsoonyahay oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in talaado maalinta beri ah, mar kale ay qabsoomayso doorashada xubnaha Aqalka sare ee Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya.

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, waxaa ka mid ah Caasha Axmed Cabdalla oo ah siyaasi ruug caddaa ah, isla markaana xildhibaanad ka soo ahayd Xukumadahii FKG ahaa ee dalka soo maray.

Caasha Axmed Cabdalla ayaa ka soo galaysa Aqalka Sare Gobolada Waqooyi gaar ahaan, Gobolka Sanaag Magaalada Ceerigaabo.

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Gobalada Waqooyi ayaa Maalintii shalay Isniin, Janaayo, 08. 2017 ka dhacday magaalada Muqdisho waxaana la doortay ilaa iyo Lix xildhibaan, iyadoo maalinta beri ah la dooranayo Lix xildhabaan oo ay Caasha Cabdalla ka mid tahay.

Wixii war ah oo danbe, kala soco sanaag.so , haddii Eebi Idmo.

LEAVE A REPLY