Caalamka oo ku kala qaybsan weerarka dhinaca cirka ah ee Maraykanku ku qaaday waddanka Suuriya.
 
Khamiistii ina soo dhaaftay ayay ahayd markii Maraykanku shaaciyay inuu ku duqeeyaya waddanka Suuriya gantaalaha Tomahowk.
 
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in tallaabadan duqaynta ahi loola jeeday in khatar dhinaca ammaanka ah oo Waddanka Maraykanka kaga soo fool leh Suuriya isagoo isticmaalaya hubka kiimikada ah.
 
Warar isburinaya ayaa markiiba lagu daabacay aaladaha bulshadu ku kulanto ee social media, iyadoo taasi keentay buuq siyaasadeed oo arrintan la xidhiidha.
 
Siyaasiyiin ka tirsan xisbiga republican-ka ayaa iyagu ku tilmaamay Dagaal maraykanku la gelayo xukuumadda Suuriya, halka qaar kalena sheegeen in tallaabadan oo maamulkii hore ee Obama uu ka gaabiyay ay iminka munaasib tahay, ayna mudan tahay in dadka Maraykanku ay ku ayidaan Madaxweyne Trump.
 
Dhinaca Hillary Clinton ayaa madal ay ka hadlaysay intaanba weerarka la qaadin ka sheegtay inay habboon tahay in Maraykanku duqeeyo saldhigyada dhinaca cirka ee Suuriya, iyadoo sheegtay in iminka Suuriya haysato ciidan cir oo laxaad leh.
 
Si kastaba ha ahaatee Siyaasadda Maraykanku ka leeyahay duqaynta Suuriya ayaa u muuqata mid aan qeexnayn, iyadoo caalamkuna si weyn ugu kala qaybsan yahay duqaynta dhinaca cirka ah ee Maraykanku la beegsaday waddanka Suuriya
Sanaag.so

LEAVE A REPLY