Midig Sucaad Saalax Nuur loo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Wasiirka Qorshaynta Maal-geshiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya Sharmaarke Garaad Saleeban Buraale Badhan- Sanaag.
2 January 2018 xili arooryo hore ayaan ka soo ambabaxnay Magaalada Garoowe waxaan usii jeednaa gobolka hodanka ah ee Sanaag oo ah dhaxalkii Awoowayaasheen.
 
Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan XFS oo aan ka mid ahaa waxaa kaloo nagu wehelinayey waftiga wasiiro iyo xildhibaano Dalwada Puntland ah.
 
Waxaan soo dhawaynta iyo u heelanaanta dawladeed kasoo galnay magaalada Ceel-daahir oo ka socdo mashruusha ugu balaadhan ee geyigan Soomaaliyeed hadda ka socda waddada isku xidha Ceel-daahir iyo Ceerigaabo oo meel fiican maraysa sida ay gudiga wadada noogu warbixiyeen markii danbena aan kormeer kusoo samaynay.
 
Soo dhawayntii iyo darabanaantii dawladnimo deefaanba deegaanka uu gudaha Gobolka Sanaag ugu jiro waa sii xoogaysaynaysay waxaan soo marnay magaadala Cowsane aan kala kulanay soo dhawayn diiran waxaan usii gudubnay degmada Midigale oo bulshada deegaankaasi aysan usoo kala hadhin soo dhawaynta waftiga wasiirku horkacayo, deegaanka Rad ayaa yadana sidoo kale kala kulanay soo dhawayn qiimo badan.
 
Intaa kadib waxaan usoo gudubnay Magaalada Badhan oo ahayd abaartii aan u soconay soo dhawayn wajiyo farxadi ka muuqato oo heelan hanaan dowladeed oo federaal ah oo ayna ahayd markii ugu horeysay wafti heer federaal ah ay yimaadaan, waxay ahayd taariikh ku suntanaan doonta deegaamada gobolka Sanaag, waxaan booqasho ku tagnay dhul badan oo ugu muhiimsanayd Jaamacada Maakhir University oo wajigii koowaad dhismihiisii dhamaaday, waxaan iyadana booqanay jeelka Badhan oo hada dhisme ka socdo iyo goobo kale oo muhiim ah.
 
Ujeedkayaga wuxuu ahaa inaan caalamka tusno deegamada lagu tilmaamo (Disputed area) dhulka lagu muransan Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay yihiin dhul nabad ah oo dadkeeduna jecel yihiin horumarka iyo dowladnimo taam ah oo ka hirgisha deegaamada Soomaaliyeed.
 
Waxaan kaloo safarka aan ugu kuurgalaynay baahiyaha deegaamadaas kala duwan iyo inaan soo aragno labada mashruuc ay ku baxayso maaliyad badan gobolka Sanaag ka socda iyo Wadada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo sidoo kale Jaamacada Maakhir University, runtii meel fiican ayey maraysaa ka dowlad federaal ahna Wasiirka Qorshaynta ayaa laga sugayaa inuu ka keeno anana masuuliyada yada waxay tahay inaan ku dabogalno kulana xisaabtano markasta meesha wax u marayaan.
 
Ugu danbayn, Aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa Suldaanka Guud ee Gobolka Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Maxamuud Cali Shire soo dhawaynta ay nagu qaabileen isaga iyo bulshada gobolka uu afkooda ku hadlayey mana ilaawi doono sida ay noo sharfeen.
Xildhibaan Sharmarke Garad Saleban
Badhan – Sanaag

LEAVE A REPLY