Galgala Haddii Cadowgii laga saaray Dadka deegaanka Maxaa ka xiga in ay Degaanka ku laabtan? Waa su’aal ay is waydiinayaan kumanaan dadwaynaha ah balse taasi waxaa jawaabteedu noqonaysa markaad Galgala booqato iyo wixii ka jira.

Dhawaan waxaa booqday Wiil dhalinyara ah oo u dhashay deegaanka Galgala hase ahaate kala kulmay waxyaabo la yaab ku noqday maskaxdiisa wuxuuna soo arkay arin mucjiso ku noqotay maskaxdiisa. 

Mahamoud Kawte waa wiilka booqday deegaanka galgala wuxu ku bilaabay sheekadisa sidan wuxuu yidhi:

Waxaan goor barqa ah tagay Magaalada Galgala oo ay mudo igu danbaysay waxaan ku dagay guri aan lahayn oo aad u burbursan waxaan u baxay magaalada gudaheeda hase ahaate indhahaygu ma qaban dad badan balse waxaan arkay ciidamo tira badan oo jooga xaafadaha iyo magaalada .

waxaan u gudbay beeraha magaalada oo waagii hore kala xidhna nin walibana beerihisa uu beeran jiray si uu dalagga uga soo saaro hase ahaate taasi waa is badashay iskadaa inay wax ka soo baxaane waxaa guuray geedihi galgala lagu yaqaanay .

Waxaan tagay beer ugu qurux badan magaalada oo uu leeyahay oday deegaanka ku dhashay waxaan waydiiyay deegaanka beertaada ugu qurux badan balse isagoo murugo ka muuqato ayuu i sheegay wuxuuna yiri anigu halkan baan ku dhashay kuna dhiman doona waxaana aan beertayda u beeranaya si aan uga soo saaro dalaga kamana tagayo.

kolkii aan ka tagay beertii odayga ayaan u dhaadhacay magaalada hoose oo ay ka muuqato burbur badan waxaan arkay guryo jiingadii ka maqan tahay oo xataa albaabadii jajaben guriwalba waxaa ku yaala rasaas badan.

Waan dhaafay guryaha jajaban waxaana aan arkay guryo ay dagan yihin askar waxaan idhi mee ninki gurigan laha waxaana laygu jawaabay cidi malaha, hase ahaate waxaa leh askariga dagan intaan yaabay baan idhi oo tolow ma saas baa dadki iyo dalki u dambaysay.

Waxaan kale oo arkay masaajidki magaalada u wayna oo dayacan intaan dhalinta qayb kamida u yeedhay baan idhi waa.jimce aan nadiifino masaajidka wanan nadiifinay.

Waxaan sii watay indha indhayntii aan hadba dhinac jaleecayey balse wax walbaa waa wax igu cusub oo beerihiiba kala garan maysid dayr u dhaxeeyaana ma jiro, waxaan sii socdaba Ishii ayaan dul istaagay, dhinac walba geedo yaryar baa ka baxay biyuhu ma badna, horay u maanaan dhafine waxaanu isku daynay ugu yaraan bal inaanu dhirta ka jarno. Daraygii waynaa ee ku yaalay Isha waa qalalay, Daabantiina mid ka mid ah hal geed baa ka haray.

Haddaba akhriste, deegaanka galgala waa deegan dadki lahaa ka barakaceen balse u baahan lagu soo celiyo, laakiin waxay u baahan tahay in  marka hore ciidanka banaanka looga saaro si bilicda magaalada u soo laabato, dadkuna beerahoodii ugu soo laabtaan.

Fariin: ku socota Madaxwaynaha, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Aminga, Guddoomiyaha Gobolka, Fadlan, ciidanka magaalada ka saara oo duleedkeda daji si dadka deegaanku ay u soo laabtaan beerahana u beertaan mudane dalka masuuliyadda baa kaa saaran.

Dhanka kale,  qurba joogta deegaanka waxaan leeyahay in dadka iyo duunyada soo laabanaysa ay garabkooda istaagaan, oo kaalin fiican ka qaadtaan,  sawiradan hoose waxaad ku arkaysaan iskuulo burbursan, guryo ulakac looga qaaday jiingadda si qoryaha jiingadda xaabo looga shidto.

Gurgan jiigada ayaa si ula kaca loogala degay ujeedkuna waxa uu ahaa in qoryaha guriga xaabo ahaan loo isticmaalo!!! /Beeraha Galgala/Sanaag.so
Geedka dheer waxaa la yiraaa daabaaan mid ka mid ah waa qalalay xabad ayaana ku dhacday timir aad u tira badanna xabad ayaa qalajisay iyo haraad/Timirta Galgala/Sanaag.so
Waa dugsigiii hoose oo Alabaabadii iyo Kuraastii ka maqanyihiiiin. Dugsigii Dhexe iima suurta gelin inaan sawirto waayo waa xero ciidan/Timirta Galgala/Sanaag.so

 

Waa dugsigii hoose oo Alabaabadii iyo Kuraastii ka maqanyihiiiin. Dugsigii Dhexe iima suurta gelin inaan sawirto waayo waa xero ciidan/Timirta Galgala/Sanaag.so
Masjidka/Timirta Galgala/Sanaag.so

 

LEAVE A REPLY