Ciidamada ammaanka ee Puntland-Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay boqolaal qof oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan, kuwaasi oo doonayay in magaalada Bosaso ay ka tahriibaan.
 
Taliyaha qeybta booliska gobalka Bari Gaashaanle sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo warbaahinta la hadlay sheegay in dhalinyarad la soo qabtay ay isugu jiraan kuwa u socday tahriib iyo kuwa looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihii maleeshiyada Al-shabaab.
 
…Dhalinyarada la soo qabtay waa 200 oo qof oo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali, waxaa ku jira dhalinyaro la yaqaano oo deegaanka ah oo u soscday tahriib, halka kuwa kale looga shakisan yahy in ay ku sii jeedeen buuraha Galgala ayuu yiri Gaashaanle sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen.
 
Todobaadkii la soo dhaafay ayey ahayd markii ciidanka ammaanka Bosaso ay gacanta ku soo dhigeen seddex doon oo waday dhalinyaro tahriib doon ah.
 
Tahriibayaashan ayaa laga soo qabta koontaroolka hore ee laga soo galo magaalada Bosaso ee gobolka Bari.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY