Belgian police take security measures after the terrorist attacks in Brussels earlier this year. Photograph: Anadolu Agency/Getty Images

Booliska Belgium, ayaa xiray 12 ruux oo looga shakiyay inay qorsheynayeen weerar argagixiso.

Ciidamada ammaanka, ayaa galay  xalay habeennimadii dhismooyin badan oo badi ku yaal Brussels, waxaana su’aalo la weydiinayaa 40 ruux.

Xafiiska xeer ilaaliyaha federaalka, ayaa sheegay inaan wax hub iyo walxaha qarxa lagu helin intii baaristu socday.

Toddobaadkii tagay, ayey ilo ammaanka ka tirsan Beligum sheegeen in boolisku heleen Digniin ah in koox xagjiriin ah oo ka tirsan kooxda Khilaafada Islaamka oo dhawaan ka soo baxay Suuriya ku soo jeedaan Yurub. Digniintaas ayaa loo qeybiyay dhammaan booliska dalka oo dhan.

Bishii Maarso, ayaa 32 ruux lagu dilay weeraro ka dhacay garoonka diyaaradaha Brussels iyo tareenada magaalada.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY