Beesha Bah Majeerteen iyo Bah wadaagteeda ayaa maanta oo taariikhdu tahay 1 November 2018 Lacag Dhan $ 252,000 (laba boqol konton iyo laba kun oo doolar) ku wareejiyey gudiga dhismaha wadada Ceeldaahir Ceerigaabo.

Munaasbada lacag wareejinta ayaa waxaa kasoo qayb galay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire, qaar kamida isimda Dowladda Puntland ee nabadeynta u joogey Degmada Badhan, maamulka Gobolka Sanaag iyo kan degmada Badhan, guddoomiyaha baarlamaanka Dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi, Agaasimaha Warfaafinta Wacyigelinta, hidaha iyo dhanqanka Madaxtooyada Dowladda Puntland Abwaan Cabdirshdiid Yuusuf Jibriil, Guddiga dhismaha wadada Ceel Daahir Ceerigaabo nabadoono, ganacsato iyo marti sharf kaloo badan.

Dhinca kale wadada Ceeldaahir Ceerigaabo oo ah mid hada maraysa meel fiican ayaa ah mid lagu dhisayo isku tashi dadweyne oo ay ku dhawaaqday Dowladda Puntland waxaana mashruucan bilaabay oo gacan weyn ka gaystay Dowladda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mashruucan hiil iyo hooba galisey.

Guddoomiyaha Guddiga Boorka Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo. Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf, ayaa aad u Duceeyay Dadka Sadaqada la baxay isagoo Baaq guud u diray Shacabka Soomaaliyeed isagoo Xusay in Shacabku dhisan karaan Wadooyin haddii Dadku wada Tashtaan Oo la isku Kaalmaysto Khayerka Iyo Wanaaga. Sheekha ayaa dardaaraan u diray Shacabka Puntland isagoo ka Codsaday in ay Horumarka ka shaqeeyaan.

Ugu danbeyn, masuuliyiintii madasha ka hadalay ayaa dhammaantood ku bogaadiyey Beesha Bah Majeerteen iyo Bah wadaagteeda ee waxa wanaagsan qabatay si ay u dhameestiranto wadadan aadka u muhiimka ah waxayna dhamaantood Alle uga baryeen in uu xoolahooda u barakeeyo.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY