Dugsiga Al-furqaan ee Magaalada Badhan ayaa qabanaya Bandhigii 7aad ee Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, Bandhigaas oo dugsigu qabto sannad walba ayaa ah mid si weyn loo soo agaasimo, ayna ka soo qayb-galaan dadweyne aad u tira badan oo ka kala yimaada  degmooyinka iyo Gobolada dalka.

Ujeedada guud ee Bandhiga waxa ka mid ah :

  1.  Soo noolaynta iyo ilaalinta dhaqanka iyo haybta soo jireenka ah ee ummada Soomaliyeed.
  2.  Dhaxalsiinta jiilasha soo kacaya. ku xidhida Gobolka
  3. Saanag Bulsha weynta Soomaaliyeed.
  4. IWM.

Maamulka dugsiga ayaa u asteeyey in 12 iyo 13 Bisha Afraad qabshada bandhigaas, wuxuuna u furan yahay inay ka soo qayb galaan dhammaan Bulshada Soomaaliyeed ee danaynaysa Hiddaha iyo Dhaqanka.

Waxa lagu wargeliyey inay kaga qayb qaataan:

  • Tala soo Jeedin: Wixii aragti ah ay ku biirin karaan
  • Soo bandhigid Barnaamij: (waxa furan in lagaga qayb qaato soo bandhigida suugaan, ciyar dhaqameed, hal abuur kale.
  • Tageero Dhaqaale: (Xarumaha iyo Bulsha weynta waxa u furan inay bandhiga ku tagaareen awoodooda dhaqaale iyo Agab).

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh guddomiyaha Barnaamijka isla markaan ah maamula ku xigeenka dugsiga Ustaad C/qaadir Axmed Ismaaciil, tell: 00252907799064.
Madax Nashaadka Dugsiga: Maxamed Ismaciil Jamac: 00252906794394.
Madaxa Dhaqaalaha dugsiga: Maxamuud Faarax Cismaan, tel: 00252907764103

E:mail:, msfsom@gmail.com, alfurqaandocumentary@gmail.com 

 

LEAVE A REPLY