BAKAYLOW NIN BA WAA BURKII

Waa sheeko carruureed Soomaaliyeed oo ku saabsan colaad dhex martay dir bakayle iyo dir digiiran, ka dib waxaa  lagu heshiiyey in berri goob hebla la isugu yimaado si arrintaa la is la mari waayey dagaal loogu dhammeeyo.

Kobtii lagu ballamay ayaa dir bakayle isa soo tubeen, dir digiiran markii ay arkeen tirada faraha badan ee dir bakayle, waxay go’aansadeen in aaney si toos ah ula dagaallami Karin, saas darteed in ay dhanka dhagarta miciin ka raadiyaan, iyagoo adeegsanaya oraahda leh”Dagaal waa dhagar”.

Waxay ku heshiiyeen in ay isku qaybiyaan dhawr raxamood, oo soo dulmaraan kobta ay dir bakayle hoganayaan, iyagoo weydiinaya markasta oo ay korkooda duulaayaan “Bakayle duullaan ah ma aragteen?” Markii ay maalin gelinkeed saas ku wadeen ayaa dir bakayle baqdin gashay, hoggaamiyahoodii ayaa isagoo is leh dir bakayle badbaadi wuxu soo jeediyey talo saddex qodob ka kooban:

Bakaylow nin ba waa burkiis; Inta aad bur ku jirto, sii sahanso kii kale ee aad geli lahayd, oo marna ha is dhigan; Bur markaad ka baxayso ha soconinee, orod ku gal burka kale, illeyn cadowgii digiirankaa cirka duulaya ee.

Taladaas dir bakayle waa qaateen, oo ilaa maanta keli keli ayey burkii ugu jiraan, aayarna uma socdaane, orod ayey labada bur dhexdooda ku socdaan.

WQ: Maxamed Cabdullahi Jaama, Sanaag.so

Ma tahay qoraa?

 Ka qayb qaado: Tartanka Sheeko Xarriirooyinka ku dhisan ”Xikmad” Ku qor hal bog ugu badnaan: Bogga Times New Roman. Xajmiga 12, xuduudaha xariiqa 1.0 ka dib noogu soo dir. contac@sanaag.so [Mahadsnid]

LEAVE A REPLY