Jamciyadda Salaam oo ah Hay’ad wadani ah oo ka hawl-gesha Gobolka Sanaag ayaa maanta waxay Magaalada Badhan ku qabatay kulan ballaadhan oo ay ku soo bandhigtay Warbixin ku saabsan Gurmadkii ay ka geeysatay Abaaraha Gobolka Sanaag.
 
Kulankan waxa ka soo qayb galay Xubno ka tirsan maamulka heer gobol iyo heer degmo, Nabadoono, Guurti, Ururada Bulshada, Hay’adda Care, Aqoonyahan, qurba joog, dhalinyaro, iyo haween fara badan.
 
Ustaad Caydaruus Axmed Faarax oo ah guddoomiyaha Jamciyadda ayaa kulankan ka akhriyey Warbixin dheer oo ku saaban sidii ay uga qayb qateen gurmadka loo fidinayey dadka ay Abaaruhu saameyeen, wuxuuna u mahad-celiyey dhammaan ciddii ka qayb qadatay gargaarkan.
 
Wax-qabadka Jamciyadu soo bandhigtay ayaa isugu jiray:
 
1. Biya Dhaamis: Waxaa la qaybiyey tiro dhan 568 Booyadood.
2. Raashin Qaybis: waxaa raashin loo qaybiyey tiro dhan 1,200 oo qoys.
3. Gargaar Cafimaad: Waxaa loo sameeyey dadka reer guuraaga ah adeeg Caafimaad oo isugu jira: baaritaan & daawayn,waxaa ka faa iidaystay dad tiradoodu dhantahay 172 qof.
Sidoo kale wacyi gelin dhanka faya dhawrka iyo c/maadkaba ah.
4. Waxbarashada: Waxa loo qaybiyey ardayda dadka reer guurgaha ah buug, waxa kale oo Jamciyadda Mushahar ka bixisay macalimiinta meelaha qaybtood, halka dugsiga Alfurqaan oo jamciyadu maamusho uu qabto arday badan oo bilasha ah sannad walba qaato.
5. Shidaal Qaybin: Waxaa jamciyaddu deegaanno kala duwan ka qaybisay shidaal(Naafto) tiradeedu dhantahay 130 foosto,oo lagaga qayb qaadanayey in dadka iyo duunyada lagu raro & sidoo kale isu ururin dadkii iyo guryihii dadka maatada ah lagaga tegay.
Waxaa sidoo kale jamciyaddu shidaal kabid ah siisay ceelasha riigaga ah.
 
6. Wacyigelin: Wacyi gelin guud oo ku saabsan dadku Dadku inay ilaahay u noqdaan kuna xidhnaadaan iyo sidii ay isu kaashan lahayeen isuguna gargaari lahayeen.
Waxa kale oo lagu wacyi geliyey sidii ay degeenka u ilaalin lahayeen.
 
Jamciyaddu waxay soo bandhigtay Xisaabtii lacagihii ay heshay oo ahaa $ 106.007 (boqol iyo lix kun iyo todoba dollar) iyo cidii bixisay oo u badnaaa qurba joogta deeganka u dhalatay.
 
Ustaad: C/casiis Axmed Saalax (Ridwaan) Guddoomiyaha Boardhka Jamciyadda ayaa sheegay in dhamaan lacagta lagu bixiyey meeshi loogu tala galay, wuxuuna ku tilmaamay inay tahay tallaabo muhiim ah oo kudayasho mudan.
 
Jamciyadda Salaam waxay u mahad celiyeen Jaaliyadaha Dibadda iyo dhammaan dadkii Sadaqada ku bixiyey Gurmadkii Abaaraha ee Jamciyaddu fulisay waana kuwa hoos ku taxan:-
1. Denmark (DASMO)
2. Swedan 1 (Stockholm)
3. Uk (Birmingham
4. Uk Londan
5. Swedan 2 (Stockholm)
6. Denmark1 (Arhus)
7. UK (Al nasar)
8. Australia (Melbourn)
9. UK(Gabdhaha Liverpool & Manchester )
10. Kuwait (Nasir Al-Marsuuq )
11. Kuwait (Makhir Community)
12. USA-MNS (Sanaag Women Association )
13. Canada (Gabdho – Edmonton)
14. Denmark2 (Arhus)
15. UK (wakiilo Xasan Somali & Ciise C Guray)
16. Sweden(Stockholm)
17. USA(Gabdhaha Kalkaal Group)
18. USA (Makhir community in Minnesota)
19. USA(Calmadow Women Association )
20. USA (Gabdho)
21. Australia (Gurmad Somali Relief) .
Ugu danbayn, Madaxda Jamciyadda Salaam, Nabadoono, Guurti, Aqoonyahan, Ganacsato, Haween waxa ay Baaq culus u direen in ay si mug leh oo isku duubni iyo midnimo ku jirto uga qaybqaadtaan Gurmadka Abaaraha, waxa ayna codsi gaar ah u direen Jaaliyadda dibadda in ay sii laba laabaan waxqabadkooda.

LEAVE A REPLY