Jamciyadda Horumarinta ee Salaam (SADSO) ayaa tababar u qabtay Macalimiinta dugsiyada Qur’aanka.
Tababarkan oo ka dhacay Hoolka dugsiga Al-furqaan 21- 22/July/2017 ayaa waxa ka qayb galay 50 Macalim oo ka kala socda 23 dugsi Qur’aan oo ku yaal Degmada Badhan.
 
Tababarkan oo socday mudo laba cisha ah ayaa waxa bixinayeye Barayaal aqoon dheraad ah u leh Culuumta Qur’aanka iyo waxdhigista, waxayna kala aheyeen:-
1. Dr C/rashiid Shiikh Saalax, wuxuu haystaa PHD Tafsiirka iyo Culuumul Qur’aanka ah.
2. Dr. Sh. Maxamed Nuur Shiikh Yasiin Abu bakar, waxa uu haystaa PHD Sunnaha ah.
3. Ustaad C/fataax Cali Yuusuf, waxa uu haystaa Master of Islamic Economic & Ijaaso toddobada Qiraa’aatka ah.
 
Waxan furitaanka lagu sharfay Sheekh Cabdixayi Aw-muuse Xasan oo ah caalim weeyn oo darasaadka shareecada ka bixiya Masaajida Magaalada Badhan.
 
Gudoomiyaha Jamciyadda Salaam Ustaad Caydaruus Axmed Faarax ayaa Ku tilmamy ujeedada Tababarkan iinuu ahaa “Kobcinta iyo horumarinta xirfadaha Waxdhigidda iyo barbaarinta ee macalimiinta qur’aan-ka”, laguna saleeyey tababarkan kadib markii daraasad lagu sameeyey bahiyaha iyo dhibaatooyinka ka jira dugsiyada qur’aanka ee deeganka.
Tababarka oo macalimiintu ku qateen casharo kala gedisan ayaa waxa lagu soo gabegebeeya Xaflad ay ka soo qayb galen dad far badan oo isgu jira Odayaal, Aqoonyahan, Dhalinyaro, Ururada Bulshada, Qurbo joog, maamulka heer gobol iyo heer degmo iyo wax garad kale.
 
Xafladaas ayaa waxa lagu gudoonsiyey Macalimiintii Tababarka qaadatay Shahaadooyin (Certificate of Attendance), waxan ka hadlay Aqoonyahan, barayaal, Qurbajoog iyo Maamulka waxbarshada ee Gobolka Sanaag.
Jamciyada Salaam ayaa shahaado Sharaf siisay Barayaashii Tababarka bixinayey.
 
Ugu danbeyn, waxa xaflada soo xidhay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon.
 
Jamciyadda Salaam oo ka shaqaysa Arimah gargaarka iyo Horumarinta (Relief and Development) Waxay ka howl gashaa degaanda Puntland, waxayna Xafiiska weyn ku leedahay Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
DHAMMAAD

Faafin, Sanaag.so

LEAVE A REPLY