Waxaa marba marka ka sii danbaysa cirka isku sii shareerayaa Sicir bararka ka jira Gobolada Puntland, taas oo lagu diidan yahay lacagta Shiling Soomaaliga (Sh.so) ee 1000 ka Shilling oo ah kan keliya oo shaqaynaayey.
 
Warbaahinta Sanaag.so oo u kuur geshay suuqyada Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa gebi ahaanba xidhan maalintii seddexaad, waxaana Albaabada la isgu dhuftay Bakhaarada waawayn iyadoo ganacsatadu warwar ka qabaan xoogaaga ay haystaan in ay dhaafaan sida dabaysha oo ay meel cidlo ah ku soo dhacaan.
 
Ganacsatada kala duwan ee magaalada Badhan ay marqudha diiday Lacagtii kunka Shilling ahayd ee ka harsanayd Shiling Soomaaliga taas oo ay ku sababeeyeen in laga diiday inta badan gobolada Puntland iyagoo marka hore diidmadu ka bilabmatay kala soocida kunka Shiling oo dhaheen waxaan qaadanaynaa tan cad cadka la yirahdo oo Madaxwayne Gaas sameeyay tan cas casna la diiday taas oo sababtay in ay xirmaan dhammaan suuqyadii magaalada oo dhan markii laga reebo goobo yar yar oo laga isticmalayo lacagahan lagu qato Mobilada sahalka ah ee dolarka.
 
Habeenimadii xalay ahayd waxaa magaalada Badhan ka socday Bannaanbaxyo lagu gubay taayiro shaaracyada , buuq, dhagax tuur iyo Amnigii oo faraha ka sii baxay kadib markii ay Shacabkii iyagoo lacag Shiling Soomaali ah haysta ay ka gaajoonayaan, awoodina in waxyaabaha daruuriga ah ku iibsan karayn.
Waxay kale oo arintani samaysay markii laga yimado magaalada iyo dadka dan-yarta ah ee ku nool dadkii reer miyiga ahaa ee keenayay xoolaha iyo caanaha kuwaas oo lacagta ay helaan ku iibsan jiray raashinka iyo sahayda kale ee ay magaalada ka rabaan sida uu noogu soo waramayo Wariye Cawil Nadiif Suldaan ayaa Sanaag.so u sheegay in xoola dhaqatadii qaarkood celiyeen xoolihii ay wateen.
 
Shacabka iyo ganacsatadu waxay ku dhaliilayaan Maamulka Puntland Makiinadaha gaarka loo leeyahay ee lagu sameeyo lacagta Shilling Soomaaliga oo tiro iyo midabo kale kala leh.
Maamulka Gobolka Sanaag weli kama hadlin sicir bararka ka jira guud ahaan Gobolka Sanaag ee saameeyey maciishada dadka dan-yarta iyo xoola dhaqatada oo dib u la noqday xoolahoodii iyadoo saylada xoolaha lagu qalo ay xidhan yihiin oo aan wax xoolo ah lagu qalin muddo  seddex maalmood ah.
 
Ugu danbayn, Magaaladda Garoowe waxaa 7 dii Sep 2017 shir isugu yimid masuuliyiinta wasaaradda maaliyadda Puntland iyo Bangiga Dhexe oo ay weheliyeen wasiiradda arrimaha gudaha iyo amniga Puntland, waxaana shirka lagu falanqeeyey diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga, kala gurideeda iyo sarrifkeeda kala duwan.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY