Halkan Ka dhagayso Guddoomiyaha Gobolka Sanaag

Ciida Ciidul-fidriga sanadka 1437-ka Hijriyada oo ka mid ah ayaamaha aadka ugu wayn Muslimiinta ayaa laga ciiday Maanta oo ay bishu  tahay 05-07-2016 Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag  ka dib markii Xalay  ay  arkeen 4 qof Bisha Shawaal.

Culimaa’u-diinka  Magaalada Badhan ayaa dhaariyey 4 qof oo Bisha Shawwal arkay, waxana la iclaamiyey in ay  tahay Ciid isla markaana Masaajidda Magaalada  Badhan laga qaaday takbiirta Ciida.

ciid3Guddoomiyaha  Gobolka Sanaag Maxamuud  Ciyoon iyo Culimadii dhaarisay 4 qof ee arkay Bisha  shawaal ayaa  Xalay ku wargeliyey Wasaaradda Cadaaladda Puntland iyo Culimada ku sugan  Magaalada Garoowe iyo Boosaaso, kabacdi waxaa loogu Jawaabay in ay iclaamiyeen in ay berri Soon tahay isla markaana ay la ciidayaan Dalka Sucuudi Carabiya.

Maanta ayaa si wayn looga ciiday Magaalada  Badhan iyo Guud ahaan Gobolka Sanaag, waxaana ay bulshadu is waydiinaysaa sababta Wasaarada Caddaalada Puntland oo lagu war geliyey in  Bishii   la arkay isla markaana ay tahay berri Ciid  go’aanka ay cuskadeen.

Sanaag.so

 

LEAVE A REPLY