Wararka  soo gaaraya  Sanaag.so   ayaa sheegaya  in Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag 4 qof ay arkeen Bishii, Culimo ayaa dhaarisay afar qof oo Bisha arkay waxayna ku dhawaaqeen in ay beri ciidayaan.

Dhowr qof oo aan la hadlay ayaa ii sheegay in dadka Bisha arkay ay qaybtood fuuleen buurta (kur-ilaalo) oo ku taal qorax u dhaca magaalada.

Cilimada Masaajidda Magaalada Badhan ayaa ahaa goob joog markii la dhaarinaayey  Afarta qof, dadkan ayaa ah  dad caan ah oo laga yabqaano isla markaana ah dad Muslimiin ah  oo lagu kalsoonaan karro.

Sacuudiga iyo Cummaan ayaa sheegay in aan Bisha la arkin oo ay Beri soon tahay, halka Turkiga iyo Ciraaq ay Ciidayaan.

Sanadkii hore ayaa sidan oo kale  bisha Shawaal laga arkay Magaalada Badhan 16 july 2015, taas oo laga arkay deegaamo badan oo ka tirsan Puntland iyo wadamada Caalamka Islaamka.

Dhamaan akhristayaasha ku xiran Sanaag.so ee ku kala sugan daafaha dunida oo dhan, waxaan idin soo gudbineynaa Hanbalyo ku aadan Ciida Fitriga, taas oo ku beegantey maalinta salaasada ah 05.07.2016 ah Rabbi dhamaanteen ha inaka aqbalo soonkii bishii Ramadaan, ciiddaan tan ku xigtana nabad iyo caafidmaad ha inagu gaarsiiyo, ku ciida ciid wanaagsan meelkasta oo aad joogtaan, Hanbalyo ayaan idinleenahay.

Ciid Mubaarak!

LEAVE A REPLY