Mashruuc xirfadda ganacsiga lagu barayo 34 Gabdhood oo dugsiyada sare ka baxay ayaa maanta lagu daah furay magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Mashruucan waxaa ka faaidaysanaya Gabadhaha aan weli fursad u helin Waxbarashada heer jaamacadeed, waxana uu socon doonaa muddo lix bilood ah.

Hay’adda FWASOM oo Mashruucan fulinaysa ayaa gacan ka heleysa DIAKONIA , iyadoo Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta qoysku ay kormeer iyo qiimayn ku samaynayso.

Xafladdan ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxda Gobolka Sanaag oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac (Ciyoon), Masuuliyiinta Degmada Maayarka Cabdirisaaq Axmed Ciise (Biibiis) kuxigeeenkiisa Saynab Cabdi Aar, Xildhibaannada Golaha Degaanka, isu duweyaal, Qurbe joog, iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamed Caydiid Jaamac , Ganacsato, Ardayda ka faa’iidaysanaysa Mashruuca iyo Waalidiintoodaba.

Mahad celin ka dib, waxa dar-daaran loo.jeediyey Gabdhaha ka faaiideysanaya mashruucan, kuwaas oo lagu boorriyey in ay duruusta sidii loogu talo galay u xaadiraan kuna dadaalaan sidii ay uga midho dhalin lahaayeen.

Ugu danabayn, kulankan oo lagu qabtay Xarunta Horumarinta Haweenka ee Xaawo Taako ayaa si fiican ku soo dhamaaday.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY