Mudanayaasha barlamaanka Puntland oo ku guda jira kalfadhigoodii 39aad ayaa maanta waxaa kulan ay yeesheen ay kalsoonidii kala laabteen golihii wasiirada Puntland.

Kooramka oo ay soo xaadireen 57 Xildhibaan ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiyaha barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa waxaa la horkeenay mooshin ay ku saxiix naayeen in ka badan 40 xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa kalsooni kala laabashada xukuumada u sababeeyey waxqabad la,aan,xaalada amniga oo sii xumaatay,dhaaqale burbur soo dalka soo wajahay,xuquuq la,aanta ciidanka,Sicir barar baahsan,Musuqmaasuq xil gudasho la,aan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo shir gudoominayey kulanka Baarlamaanka ayaa sheegay in hada wixii ka danbeeya xukuumada ay xasaanada kala laabteen kadib markii ay codeeyeen 47 mudane.

Gudoomiye Axmed Cali Xaashi ayaa faray Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhiso xukuumad cusub oo dalka hogaamisa mudo xileedka u haray.

Go,aankaan ayaa noqonaya markii ugu horaysay oo taariikhda Puntland ay xildhibaanadu kalsoonida kala laabtaan xukuumada waxaana ay shacabka Puntland ka war sugayaan xukuumada xigi doonta.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY