Baarlaamaanka dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah si aqlabiyad leh u anixiyey Miisaaniyadda 2017. Wasaaradda Maaliyadda oo soo diyaarisay miisaaniyadda ayaa gaaraysa $246 milyan oo dollarka Maraykanka ah.

Wasiirka maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo saraakiil ka socota Wasaaradda maaliyadda ayaa maanta ka qayb galay fadhigii ansixinta Miisaaniyadda.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad C/weli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ku dhawaaqay Natiijada Ansixinta Miisaaniyada:
”Diiday: 2 Xibnood, wax ka aamusay ma jiro.
Ansixisay: 167, sidaas ayey ansax ku tahay ayuu yidhi”C/weli Sheekh Ibraahim Muudey
Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa soo dhaweeyay meel marinta baarlamaanka ee miisaaniyada sanadka 2017da.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale ayaa ansixinta kadib sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay iyo Miisaaniyadda bartanka sanadka 2017 la meel mariyey, waxa uu ku mahadiyey Xildhibaanada shaqada ay guteen, Bayle ayaa sheegay in tani sabab u noqon doonto in kor loo qaado dakhliga dowladda.

Ugu danbayn, Muddooyinkii dooda miisaanayadu socotay waxaa la sii fasaxay miisaaniyada ay ku shaqaynayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya bilaha July iyo Aug si ay u helaan xuquuqdooda.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY