Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa waxay galabta xil ka qaadis ku sameeyen Madaxwaynaha Maamulka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble.

Xildhibaanada ayaa kulan ku yeesheen Magaalada Jowhar ajandayaashiisa lagu soo daray mooshin kalsooni kala noqoshada Madaxwaynaha, ayay Xildhibaanada cod aqlabiyad leh ku rideen Madaxweynaha.

Kulanka oo ay soo xaadireen 74 Xildhibaan, ayaa 68 ka mid ah waxay haa ugu codeysay mooshinka, iyadoo afar ay diiday, halka laba kalana ay ka aamustay.

Canab Axmed Ciise, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle oo kulankani shir guddoomineysay, ayaa ku dhawaaqday in ansax uu yahay kalsooni kala noqoshada Madaxweynaha.

Mooshinkan oo Axadii shalay lagu wareejiyay Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa waxaa saxiixday 53 Xildhibaan, sida ay sheegtay Canab Axmed Ciise Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle

Mohamed Salah
Sanaag.so

LEAVE A REPLY