Waxbarashadu waa hab si nidaamsan loogu helo xog, aqoon (knowledge), qiyyam (values), waxyaabaha aad rumaysan tahay (beliefs) aragtiyo ( attitude) , xirfad (skills), khibrado (experience) caadooyin IWM.

Waxbarashadu waxay ka mid tahay xuquuqaha aasaasiga ah ee loo baahan yahay qof kastaa oo mawadin ah inuu helo sida ku cad dastuurkeenna:
  1. Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta, ballaadhinta iyo faafinta cilmiga iyo tacliinta, iyadoo u aragta in ay waxbarashadu tahay maalgelinta ugu habboon ee kaalinta ugu weyn ka qaadan karta horumarinta siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho.
2. Waxbarashadu waa mid u danaynaysa dadweynaha, kuna habaysan waayaha iyo deegaanka gaar ahaaneed ee bulshada Somaliyeed .
3. Barashada iyo tarbiyadda Diinta lslaamku waa dariiqad asaasi ah; dhammaan heerarka waxbarashadana waa ku khasab, isla markaana horumarinta dugsiyada Qur’aanku waa waajib saaran Dawladda.
Dawladdu iyada oo gudanaysa waajibkaas saran waxay masuul ka tahay in ay waxbarasho tayo leh siiso ilmo kasta oo da’da waxbarashada gaadhay. Si ay taas u fuliso waxay u furtaa dugsiyo dawladdu maamusho oo ku yaalla goob kasta oo caruuri joogto. Laakiin xaaladda waxbarshada Soomaaliya ku jirto iyo waddamada soo koraya badankoodu, ma awoodaan inay adeegga waxbarashada gaadhsiiyaan muwaadiniintooda, sidaas darteed laba meelood ayaa masuuliyaddaas ka caawiya oo kala ah:
  1. Hay’adaha caalamiga ah/ Qaramada midoobay/ Ururada samafalka, Jaaliyadaha Soomaaliyeed kuwaas oo ka caawiya dawlada inay waxbarashada gaadhsiiyaan ilmo kasta.

  2. Dugsiyada gaarka loo leeyahay kuwaas oo ka qaybqaata fidinta waxbarashada iyaga oo faa’iido dhaqaalana ka helaya waxbarista caruurta iyo kobcinta garaadkooda.

Baahinta Waxbarashada wakhtigan ka jirta: Keliya tusaale haddaan u soo qaato imtaxaankii labadii sano ee ugu danbeeyey ee Wasaaradda Waxbarshad ee Puntland.

Labadii Sanno  ee ugu danbeeyey 2016 – 2017,  dugsiyada sare,  waxaa u fariistay imtaxanka 61 iskuul halka sanadkii u danbeeyey  ee 2017 ay u fariisteeen 88 iskuul taas macnaheedu tahay in hal sano gudohood ay 15 dugsiyo sare ah ay ku soo biireen.
Markaa u eegto wadamada hore maray ma dhacado in hal sano gudohood ay 15 iskuul ay ku soo biiraan waa wax aad u baaxad wayn una baahan sugida iyo dhamaystirka tayeynta iskuulada (quality standard) .
Sidee iskuuladaa intaa leg loo sugay tayadooda? ma buuxiyeen shurudhihii looga baahnaa?
Maxay tahay baahida keentay in 15 iskuul hal sano gudahood la aqbalo? .
Su’ aalahas iyo kuwa badan ayey mudan is waydiintooda.
 
Waxaynu oganahay, haddii degaan kasta oo isu jira 20 km dhaho, waxaa yelanaynaa iskuul, waxaa lumaya tayeyntoodi iyo waliba ilaalinta nidaamka waxbarshada, wasaaradda iyo dawlada waxaa ku adkaanaysa in ay garsiiso adeega iyo agabka ay ubaahanyahiin waxbarshada, tasoo hoos u dhigaysa tayadii waxbarshada, ma ah in iskuulada loo qaato inay yahiid sidii meheradihii ganacsiga ama dukaanka, waa wax ku jaan go’an qawaaniin iyo xeerar loogu talagalay(standars and principles).
 
Hadaba sidee ayaa baahinta baaxdaa ee iskuuladaa kordhayaa loo ilaalin Karayaa loona sugi karayaa.?

La soco  qaybta labaad: Deeqihii  lacageed ee loogu tala galay sanadihii ugu danbeeyey tayeynta waxbarashadda,  Aragti ahaan sidee loo sugi karaa waxbarashada, waxaan ka maqnayn oo aan ku soo gunaanadaya talo soo jeedin, haddii Eebe idmo. Mahadsanidiin!.

WQ: Saed Ahmed Taajir
Faafin: Sanaag.so

LEAVE A REPLY