Iyadoo aan hore u baahinay qaybtii hore ee ka hadlaysay 1) Baahinta Waxbarashada iyo Tayaynteeda sidee la isku waafajin karaa? haddana akhristayaasha waxaan u balan qaadnay qaybtii Labaad ee Baahinta Waxbarashada iyo Tayaynteeda sidee la isku waafajin karaa?

Qaybtan labaad waxaan ku eegaynaa:

  1. Deeqihii Lacageed ee ugu danbeeyey ee loogu tala galay Tayeynta Waxbarashada.
  2. Aragti ahaan sidee loo sugu karaa Tayada Waxbarashada.
  3. Talo soo jeedin.
Waxaa sanadihii ugu danbeyey hay’adaha caalamiga aha iyo dawaladaha deeqaha bixiyaa Soomaaliya si guud uga tageerayeen Tayeynta iyo helitaanka waxrasho tayo leh.
 
Global Partnership for Education (GPE) waxaa ay dalalka soo koraya kala shaqeysaa hubinta in ilmo kasta u helo waxbarasho aasaasi ah oo tayo leh, iyada oo mudnaan siineysa kuwa ugu saboolsan, kuwa ugu nugul iyo kuwa ku nool dalalka tabar-darran ama ay saameysey.
 
Soomaaliya waxaa ay ka hawlgaleysey Global Partnership for Education ahayd tan iyo sanadkii 2012kii. Tan iyo waagaa lacag wadarteedu tahay $14.5 milyan ayaa loo qoondeeyey Soomaaliya sanadihii 2013 ilaa 2016. Maaliyadda ay hadda GPE siineyso guud ahaan dalka Soomaaliya waa ku dhowaad $33 milyan Doolarka Mareykanka ah, iyada oo $9.6 milyan ay heleyso Somaliland, $5.6 milyan ay heleyso Puntland iyo $17.9 milyan oo ay heleyso Dowladda Federaalka ah.
 
Dhamaan lacagahaa waxaa loogu talagalay tayeynta Basrista iyo barshada wadanka iyo sinlo heli lahaa waxbarsho tayo leh.
 
Global Partnership for Education oo $5.6 milyan oo doolarka Mareykanka ah ugu deeqdey waxbarasho tayo leh oo ay helaan carruurta ku nool Dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya Garoowe, Puntland, Soomaaliya, 23 Oktoobar 2017 – Global Partnership forEducation.
 
Hadaba waxaa is waydiin leh lacagahaa sidee loo qorsheyey, sidee loo mareeyey , matahy mid wax kabedeshay tayada wax barshada ilaaa hada?.

Aragti ahaan sidee loo sugu karaa Tayada Waxbarashada.

Tan iyo soo kabashadii waxbarashada iyo heerarka kala duwan oo ay soo martay oo ah mid lagu soo caana malay, halkaana soo garsiisay in la helo iskuullo fara badan kumayaal arday ah oo dhamaysay dugsiyada kala duwan.
Waxaase hubaala ah in ay tayada waxbarashadu aad hoos ugu sii dhacayso, madaama ay tirida xarumaha waxbarshada ay sii badanayaan iyadoon lahayn tayadii.
 
Xarumaha waxbarshad oo u jeedka ama hadafkii waxbarshada dhinaca kamarayaa oo ay noqonayan kuwa xooga saraya xaga dhaqaalaha(profit oriented).
 
Wasaradaha waxbarshada aan lahayn awoodii ilaalinta iyo sugida tayada waxbarshada xarumaha hada jira iyo kuwa soo koraya.(quality contarol).
 
Waxaa iyana aan jirin Siyaasad qaran oo qeeexaysa ujeeddada waxbarshada guud ahaan, si gaar ahna isha u galinaysa tayeynta waxbarshada guud ahaan, si loo helo waxbarsho tayo leh oo awoodaa baahida jirta.
 
Iyadoo ay sannadahii ugu danbeeyey ay qorista ardayda ee iskuullada ayaa korodhey, laakiin waxaa jira carruur tiro badan oo soo gelaya iskuullada waxaana xaddidan awoodda ay iskuulladu ku qaadan karaan dhammaan carruurtaas, wax badan oo kale ayaa loo baahan
yahay in la qabto si loo hubiyo in ilmo kasta uu helo waxbarasho tayo leh.
 
Waa in wasaaradu la timaada nidaamka iyo xeerarka lagu sugaayo furashada iskuulada iyagoo u samaynaya nadaam ay buuxiyaan si loo aqoonsado.(QUALITY EDUCATION STANDARD).
 
Waa in Wasaaradu illaalisaa baxada fiditaanka iyo baahinta iskuulada iyagoo wasaradu marinaysa nidaaab ay soo buuxiyaaan si ay u helaan aqoonsi rasmi ah laguna sugaayo tayadooda.
 
waa in wasaradu la timaadaa xarar gaar ah oo lagu diwaan gelinayo sikuulada markay shuruudahaaa buuxiyaan in loo ogaalado lana aqablo.
 
In la helo hay’ad si cilmiyeysan u qiimaysa (academic evaluation) oo ka baaraandegta barnaamijka waxbarasho iyo sidii waxbarshada hada jirta loo tayeyn lahaa.
 
Gunaanad, talo soo jeedin. Waxa soo jeedinayaa talooyinkan si loo helo waxbarasho tayo leh laysuna waafijiyo tayada waxbrshada iyo baahinteeda:
  1. In wasaradu la timaado siyaasada ku aadan tayaynta waxbashada iyadoo samaynaysa xeerar iyo sharuudo sugan oo lagu ilaalinayo tayada waxbarsahada (quality education starndard).
  2. In wasaaradu hannaan sugan oo diiwaan gelina u samayso dhamman xarumaha waxbarshada ee hadda jira, iyadoo laga eegayo shuruudaha waxbarshada inay waafaqsinyahiin , wasaradana la timaada hal-beeggii lagu sugayey.(registaration).
  3. Tayaynta iyo tababaridda macalimiinta iyo in la sameyey xeerar sugayaa macalamiinta qadashadooda iyo haboonaanta heerarka waxabarshada.(teachers qualification).
  4. Abuuridda manhaj midaysan oo ku salaysan awoodda, Afka, Dhaqanka, iyo Diinta ardayga soomaaliyeed.(unified curriculum)
  5. In la abuuro guddi kontoroola tayada waxbarashada lehna awood muujinaysa madaxbananidooda. (educational quality contarol commitee).
  6. In la helo maamul xirfad u leh waxbarashada lana hubiyo igu yaraan qofkan u adeegaya hannaanka waxbarshada in uu aqoon u leeyahay.
  7. In la sameeyo sharciyo wax ku ool ah oo qaabeeya tacliinta iyo tayadeeda.
  8. In kor loo qaado qiimaynta iyo kormeerida xarumaha waxbarashada, waayo taas waxa ay xoog siinaysaa in la helo hannaan kala saaridda iskuulada aan gaarsiisanayn heerkii tayada in lala socdo lana ilaaliyo.
 
NB
 
Qoraalkani kuma salaysna baadhitaan dhammaystiran oo cimiyeysan laakiin waa naqdin iyo xogo kala duwan aan soo qatay anoo sameeyey akhris dheeriya , iyo indha-indhayn guud.
Faafin: Sanaag.so

LEAVE A REPLY