Hordhac

Xirfada macalinimadu waxaa ay ka mid tahay shaqooyinka ugu muhiimsan ee dunida ka jira. Macalinku waxaa uu soo saara , soo barbaariyaa,soona qaabeeyaa hogaamiyaasha iyo dadka hormuudka ka noqon doona dunida. Macalinka waxaa loo dhiibaa oo lagu aaminaa waxa ugu qiimaha iyo qaayaha badan ee uu qof bani`aadam ahi haysto, kuwaasoo ah dhalaankeena ama ubadkeena.
 
Haddaba waa maxay astaamaha ugu muhiimsan ee uu leeyahay macalinka wanaagsan ee ku guuleysta dhisitaanka ubad mustaqbalka waxtar yeesha?
 
Macalinka wanaagsan
 
Macalinka wanaagsan ee ku guuleysta shaqadiisa macalinimo waxaa uu leeyahay saddex Calaamadood/astaamood oo muhiim ah, kuwaasoo u suurta geliya inuu aqoontii uu xambaarsanaa gaarsiiyo ardaydiisa.
 
  • Aqoon buuxda: Macalinku waa inuu aqoon buuxda oo balaadhan u leeyahay maadada uu dhigaayo. Arrintaasi waa saldhiga xirfada macalinimada. Haddii aqoonta macalinka ay dal-daloolo ku jiraan waxaa adkaata inuu gaaro yoolkii uu lahaa oo ah inuu ku guuleysto soo saarida arday wax baratay oo diyaar u ah iney mustaqbalka wax ka taraan.
  • Gudbin waafi ah: Macalinku waa inuu xirfad fiican u leeyahay siyaabaha kala duwan ee loo gudbiyo aqoonta uu xambaarsan yahay. Haddii macalinku uu leeyahay aqoon fiican balse gudbintiisu liidato, ma noqonayaan ardaydiisu kuwo gaara guushii ay higsanaayeen. Macalinka wanaagsan waxaa laga doonayaa inuu aqoon u leeyahay ardaydiisa isla markaasna uu derso qaabka ugu wanaagsan ee arday walba wax lagu gaarsiin karo.Maadaama ay ardaydu kala duwan yihiin waxaa lagama maarmaan ah in siyaabo kala duwan wax loogu sharaxo oo fahamsiiyo. Haddii macalinku arko in qaabka uu wax u sharaxayo aanu geleynin ardayga ama ardayda waa inuu awood u leeyahay inuu isla markiiba ku bedelo hab kale oo uu isla maadadii ku sharaxo. Macalinka gudbinta wanaagsan waxaa uu noqdaa macalin ay ardaydu aad u jecel yihiin.
  • Xiriir wanaagsan: Macalinka wanaagsani waxaa uu xiriir fiican oo xushmadi ku dheehan tahay la leeyahay ardaydiisa. Xiriirkaas isfahamka, is-tixgelinta iyo is-aaminaada ku dhisan ayaa waxaa uu suurta geliyaa in ardaygu noqdo mid degan diyaarna u ah inuu wax badan faa,iideysto. Waxaa uu macalinka ku qaabilayaa waji furan iyo maskax iyo maan diyaar u ah iney wax badan faaìideystaan. Macalinka ku wanaagsan dhisitaanka xiriirka ka dhexeeya isaga iyo ardayda, waxaa u suurta gasha inuu si wanaagsan u gudbiyo waxyaaalaha uu doonaayo inuu ardayda baro.

Abdirisak Hussein

LEAVE A REPLY