Xildhibaano iyo Senator ka tirsan Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka ku sii jeeda magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah Maamulka Galmudug.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Senator Abshir Bukhaari ayaa safarkooda yahay mid ay ku dhex dhexaadinayaan xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Mas’uuliyiinta Galmudug.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in marka ay gaaraan Cadaado inay la kulmaan mas’uuliyiinta iyo Xildhibaanada Galmudug.

Xildhibaanadan ka socda Federaalka ayaa lagu wadaa inay war saxaafadeed ka soo saaraan xaalada siyaasadeed ee Galmudug.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegay inay ka xun yihiin in maamulkii Galmudug ee dhismihisa laga soo maray dhib fara badan in la doonayo in si sahal lagu dumiyo maamulkaas.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in tiro Xildhibaano aysan xilka ka qaadi karin, isagoo tilmaamay in Dastuurka uu dhigayo in aan lix bilood mooshin laga keeni karin, maadaama xilka loo doortay bishii May, isla markaana uu xafiiska joogo afar bilood.

Dowladda Federaalka ayaa war saxaafadeed xalay ka soo baxay xaalada uga sii daray, iyagoo taageeray go’aankii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ay xilka uga qaadeen Xaaf, hase ahaatee warqadaas oo ka soo baxday xafiiska Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha ayaa jahwareer iyo su’aal kala duwan dhalisay.

LEAVE A REPLY