WQ: Jama Aidid Safiirka dalka Soomaliya u fadhiya dalka Turiga / Sanaag.so.
Waxaa maanta nagu soo booqday xafiiska Sarfaaradda Ankara saraakiil ka socota Turkish Green Crescent https://www.yesilay.org.tr/en ama Bisha Cagaaran ee Turkey oo la asaasay 1920.
 
Turkey Green Crescent waxay ka shaqaysaa ka hortagga iyo la dagaalanka la qabsashada maandooriyaha, cabista sigaarka, khammaarka iwm (Aagainst different kind of addictions including drugs, alcohol, tobacco, gambling, technology etc).
 
Waxay khibrad 98 sano ku eg iyo aqoon fiican u leeyihiin ka hortagga iyo cidhibtirka la qabsiga maandooryaha iyo Khammaarka.
 
Ka dib markii ay si qoto dheer nooga warameen shaqada ay bulshada u hayaan iyo taariikhda hay’addooda ayaanu dhinacayaga u sheegnay dhibaatada uu Qaadka ama Jaadku ku hayo bulshada Soomaaliyeed meel ay joogtaba dibad iyo dalba.
 
Waxaanu u sheegnay in Qaadka lagu soo daabbulo diyaarado iyo gawaadhi waaweyn oo kuwa xammuulka ah labada gelinba, hadh iyo habeen. Sidoo kale waxaan u sheegnay in dhaqaale badan Soomaalidu ku bixiso oo gaadhay $1 billion iyo ka badan sanadkiiba.
 
Waxay noqotay arin ka degi waydey Soomaalida sidan u tabaalaysan ee adduunka looga soo dawariyo oo malaayiin lacag adag ah ku soo waaridda caleen dhibaato caafimaad iyo dhaqaalaba ku haysa bulshada.
 
Waxay na waydiiyeen Qaadka maxaa laga sameeyaa? Waxanu u sheegnay in uu yahay caleen ka baxda dhir ku taalla Kenya iyo Ethiopia oo u eg ta xooluhu cunaan !!
Way la yaabeen !!! Waxay kaloo na waydiiyeen side loo isticmaalaa? Miyaa la ursadaa? Miyaa la warshadeeyaa oo ka dib la isticmaalaa?
 
Waxaan u sheegnay in sida xooluhu u raamsadaan caleenta dadku u raamsadaan ama u ruugaan !!
Waxay noqotay sheeko annaga caadi nala ah laakiin ay aad ula yaabeen ilaa markii dambe annaguna isku qajilnay.
 
Ugu dambayntii waxaanu ka codsannay in ay nala wadaagaan wixii khibrad iyo aqoon ay u leeyihiin si aanu bulshada uga wacyi gelin lahayn dhibaatada Qaadka iyo khamriga oo beryahan dambe si xad dhaaf ah dalka loo soo geliyo.
 
Muddo aan yarayn ayaa bulshada si qorshaysan loogu qulaaminayey Qaadka iyo Khamri gacan ku samays ah oo dalka laga soo geliyo xuduudaha berriga.
 
Dad badan ayaa iska xilsaaray oo ay ugu horreeyaan culimada iyo dhakhaatiirta in muddo ahna wadey wacyi gelin iyo qaylo dhaan nooc walba leh, laakiin wax weyni kama naasacaddaan.
 
Waxaynnu u baahannahay weji kale in lagu dayo, oo aan laga qoob qaadin lagana daalin sidii dhibaatadan maalin walba soo kordhaysa wax looga qaban lahaa.
 
Waxaa xusid mudan dadaalka uu ku bixiyey wiilka keligii is diray ee Abukar Awale (Qaad Diid) oo runtii wax weyn ka qabtay la dagaalanka Qaadka gaar ahaan UK.
Alle ha sahlo dhibaatadani fara ba’an ayay bulshada ku haysaa mana sii sugi karto muddo kale.

LEAVE A REPLY