Rabbi ha u naxaristee waxaa dalka Sweden ku geeriyoodey maalintii Jimacada ee 10kii danbe ee bisha barakaysan ee Ramadaan Garaad Abshir Garaad Saalax oo kamid ahaa Isimada Soomaaliyeed, gaar ahaan gobolada Sool iyo Cayn.

Garaad Abshir ayaa lagu xasuustaa sida uu uga qayb-qaatey dib u heshiisiinta Soomaaldia iyo dib u dhiska Dowladdii Soomaaliyeed.

Garaadka ayaa la sheegayaa in da’diisu kor u dhaafeysey 80 sano waxaana uu ifka uga tegey 34 caruur ah oo isugu jira kuwo uu dhalay iyo kuwo uu Awoowe u yahay. Garaad Abshir ayaa ka mid ahaan jirey ciidankii Booliska Soomaaliyeed waxaana u ka soo qabtey xilal kala geddisan.

Garad Abshir ayaa loo calmeeo saarey garadnimo sanadkii 1993.

Garaadka ayaa lagu tilmaamaa in uu ahaa nin qaran oo ka baxay guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka. Waxaana uu Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu-fardawsa ka waraabiyo, Ehelkii, Qaraabadii Asxaabtii, uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY