Nidaamka siyaasaddeed ee waddanka maanta ka jiraa wax badan kama duwan kii shalay ee loolanka ku dhisnaa. 30 kii sano ee madaxbannaanida iyo dowladnimada ahayd kadib, Soomaalidu waa iscuntay. 1991 kii ayuu ahaa qaraxii ugu waynaa, dalkuna 30 sano oo kale ayuu jahwareer siyaasaddeed ku jiraa.

Labadii maamul ee ugu horreeyey waxay ku dhismeen loolan qabiilada ka dhexeeyey. Soomaaliland waxaa ka dhismay nidaam lagu abaabulay markii hore reer waqooyinimo laakiin ku dhamaaday Isaaqnimo, wax aan ahayn qalfoof dad oo dhulka laga soo faago iyo hadallo kala gayn ah kama soo baxayaan. Qalfoofkaas oo laga dhigayo dad la xasuuqay laakiin noqon kara xataa ciidankii Soomaaliya ee jamhadda SNM laysay. Maamulkii Soomaaliland se maanta waxaa uu ku dambeeyey labo qoys oo Jeegaan samaystay, intii kale na xukunka waa laga dhaariyey!

Puntland waxaa la aasaasay kadib shirkii Qaahira ee siyaasiyiinta Daaroodku ka xanaaqeen kolkii Masar tiri heshiiska waxaa saxiixanaya Cali Mahdi iyo Xuseen Caydiid iyaga ayaana hoggaanka dalka noqonaya. Aadan Gabyow oo Guddoomiye u ahaa Daaroodka Koonfureed iyo Cabdulahi Yuusuf oo asna matalayey Daaroodka waqooyi bari ayaa shirkii ka carooday, waxa ayna dib ugu laabteen dalka Itoobiya. Halkaa waxaa ka muuqatay prox war Itoobiya iyo Masar ka dhexeeya oo ay isu adeegsanaysay labada qabiil.

Cabdullaahi BBC ayuu Addis Ababa kula hadlay, waana uu diiday shirkaas, kadibna Boosaaso ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey,waa December 1997. Markiiba waxaa la bilaabay abaabulka maamul laga sameeyo gobolada waqooyi bari, waxaana la dhisay nidaam ay ku mideysanyihiin Daaroodka reer waqooyi iyo kuwa gobolada waqooyi bari. Sidii maamulkii Soomaaliland si la mid ah ayuu noqday maamul hal reer oo Majeerteen la yiraahdo ku adeegtaan gaar ahaan jifada Maxamuud Saleeban.

Waxaa la dhisay dowlad kumeel gaar ah oo Federal ah, mar kale ayaa damicii qambiilnimadu cirka isku shareertay, waxaa la dhisay maamulkii Aadam Gabyow ka dhintay (Jubbaland), sidaas ayaa Daaroodka waqooyi iyo koonfur u heleen labo maamul goboleed.

Beesha Hawiye oo cayaarta gadaal ka fahamtay ayaa saddex gobol iyaguna ka soo dhex saartay labo maamul goboleed (Galmudug iyo Hirshabeelle) Galmudug asna hadda waxaa uu u sii xuubsiibanayaa Jeegaanta Cusub ee Cayr iyo Sacad ka dhaxeysa, qabaa’ilka kalena marti ayuu u muuqdaa.

Awoodihii iyo loolankii qabiilada iyo dowladdii lagu dhisay dib u heshiisiinta, dagaalka Masar iyo Itoobiya, xasarradda ka aloosan Khaliijka waxaa ay ku dul dhaceen maanta magaalada Muqdisho waxa ayna u baahantahay diblaamaasiyad dheeraad ah oo laga baaraan dagay in la adeegsado si dalka loo samata  bixiyo.

LEAVE A REPLY