Wararka naga soo gaadhaya Garoowe iyo Kismaayo, ayaa sheegaya in maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay dhamaystireen saami qeybsiga  beelaha uga qeyby galaya Aqalka Sare.

Wararkan oo aanay wali si rasmi ah u xaqiijin labada maamul, ayaa intaas ku daraya in ay wali socdaan wada hadalo ku aadan saami qeybsiga iyada oo ay jiraan beelo ka tabanaya saami qeybsiga, halka kuwa kaleetana sad bursi loo sameeyay.

Ilaa iyo hadda waxay u eeg tahay in liiska Aqalka Sare u ekaado sida hoos ku xusan:

Saami Qaybisga Beelaha Puntland- Wadar 11

Beesha Majeerteen: 6 xubnood ama  55%
Beesha Dhulbahante: 2 xubnood ama 18%
Beesha Warsangeli: 1 xubin ama 9%
Beesha Leelkase: 1 xubin ama 9%
Beesha Dashiishle: 1 xubin ama 9%
Beesha Meheri: 0
Beesha Awrtable: 0
Beesha Madhibaan: 0

Saami Qaybsiga Beelaha ee Jubbaland: Wadar 8

Beesha Kumade (Absame) : 2 xubnood ama 25%
Beesha Mareexaan: 2 xubnood ama 25%
Beesha Koombe ( Harti+ Geri): 1 xubin ama 12.5%
Beesha Cawramale: 1 xubin ama 12.5%
Beesha Hawiye:1 xubin ama 12.5%
Beesha Digil & Mirifle: 1 xubin ama 12.5%

Soo gudbinta liiska magacyada maamul goboleedyada uga qeyb galaya Aqalka Sare, ayaa dib u dhac ku yimid, iyada oo wakhtigu kaga ekaa Oktoober 5 dii.

Wixii warar ah ee ku soo kordha fadlan kala socda wararka dambe.

LEAVE A REPLY