Gudoomiyaha degmada 6’aad ee magaalada Minneapolis Mudane Abdi Warsame,  ayaa fariin iyo Hambalyo u diray Soomaalida  ku aadan Sanad guurada 26’da June iyo 1’da Luulyo 1960 kii Gobolada Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ay Xornimada ka qaadteen Gumaystihii Ingriiska iyo Talyaaniga.

Maamulka Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa hore si  buuxda u ansixiyey  qarar uu Abdi Warsame horgeeyey Golaha Deegaanka MNPL, iyadoo goluhu u aqoonsadeen 01-da Luuliyo maalinta Soomaalida Maraykanka.
danbariSanadkan 1’da Luuliyo 2016 waxaan ku xusi doonaa Buundada Wayn ee (35W Bridge) Islamarkaana halbowlaha u ah Magaaladani Minneapolis, Waxaa lagu shidi doono ama lagu xardhi doonaa buunadadaasi midabka Calanka Buluuga ah (Danbari) iyo Caddaan ee Astaanta Qaranka umadda Soomaaliyeed. Ayuu yidhi Cabdi Warsame

Soomaalida degen Minneapolis iyo nawaaxigeeda  ayaa  xusi doonaa  maalmaha xorriyada waxayna dabbaal degan samaynayaan 09 July  bacda Ramadaanta.

Guddoomiyaha Degmada 6’aad ee magaalada Minneapolis Cabdi warsame ayaa Hambalyo iyo  Faraxad ku  aadan  u diray dhammaan Shacabka  Soomaaliyeed isla markaana ugu duceeyey.

Waan la soconna marxaladii dalkii Hooyo iyo marxalada nagu haysta Qurbaha waxaan ilahay ka rajayn in uu inoo fududeeyo, in ilaahay Shacabkeena badbaadiyo meel kasta ay joogaan, in ilaahay naga dhigo kuwii ka faa’idaysta Bisha barakaysan ee Ramadaan, oo ducadeena, Soonkeena, Salaadeena Ilaahay naga  aqbalo, Ayuu yidhi Cabdi Warsame.

Ugu danbayn, Sanad kasta, maalmaha 26’da June iyo 1’da July, waxaa laga xusaa dhammaan Dalka Soomaaliya, Gobolada, Degmooyinka,  iyo daafaha aduunka Soomaalidu ku nooshahay , Munaasibadan lagu waynaynaayo Maalmaha Xorriyadda Jamhuuriyada Soomaaliya  ayaa hadda ka soo wareegtay 56 Sanno 1960 kii markii Gobolada Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ay ka xorroobeen gumaystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY