Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa saaka horgeeyey barlamaanka Puntland Golihii wasiirada ee uu dhowaanta soo magcaabay si ay codka kalsoonida u siiyaan.
 
Madaxwayanaha Puntland ayaa goob joog ah oo ku sugan aqalka Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe halkaas oo ay ka socoto dhagaysiga khudbadaha ku saabsan qorshaha xukuumadiisa, isagoo codsan doona meel marinta xukuumadiisa.
 
Wasiirada cusub waa 53 mudane oo ay 4 dumar tahay, 3 Wasiir ayaan goob joog ahayn oo ku maqan dalka dibediisa, kuwaas oo aan weli soo gaarin dalka
 
Wasiirada aan Dalka joogin waxaa ka mid ah Wasiirada Hormarinta Haweenka Maryan Axmed Cali iyo Shire Xaaji Faarax , Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriir Caalamiga ah.
 
Xoghayaha Baarlamaanka Puntland Cali Axmed Dhahar ayaa akhriyey Magacyada Wasiirada Cusub kuwa jooga iyo kuwa maqanba, waxaa hadda socoda khudbadaha Wasiirada Cusub kuwaas oo aan ahayn kuwii baarlamaanku kala diray.
 
Ugu danbayn, Muudanayaasha barlamaanka Puntland oo ku guda jira kalfadhigoodii 39aad ayaa maanta​ mar kale dib u ansixinaya xukuumaddii ay rideen 18′ kii July 2017.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY